Daawo Jabuuti Oo macnaysay Sababta Ay DP World U Eriday.

Jabuuti Oo macnaysay Sababta Ay DP World U Eriday

Dawladda Jabuuti ayaa caydhisay shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee Dp World oo qayb ka ahayd maamulka dekedda Doorale ee dalka Jabuuti. Wasiirka gaadiidka Jabuuti oo arrintan ka hadlayay wuxuu sababta ugu weyn ku sheegay in Dp World dalalka dariska ka maalgalinayso dekedo tartan galinaya dekedda Jabuuti, islamarkaana aanay ogolayn in la horumariyo dekedda Jabuuti.

Dawladda Jabuuti ayaa maamulka dekedda si rasmi ah ugu wareejisay shirkad dawladdu leedahay “Arrintan waxa keenay markii qolada aan shuraakada nahay ee DP World oo dekedda Doorale ku leh 33% saami ah, dawladda Jabuuti-na leedahay 67% saami ah aanu ku nidhi heshiisyadii aynu wax ka bedelno ee ay taas naga dhegaysan waayeen,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka oo ku dooday in DP World oo leh codka Minority-ga ay doonayso in ay yeelato codka Majority-ga, taasna ay sababtay in aanay dawladda Jabuuti horumarin Karin dekedda.

Waxa uu sabab weyn oo arrimahan dabada ka riixaysa ku sheegay wasiirku in dalalka Jabuuti la dariska ah ay Dp World dekedo ka waddo iyo dalal ku yaalla badda cas “ Iyada Dp World waddamada Jaarka ah iyo waddamada kale ee ku yaalla badda cas ka maalgaliyay oo ka dhisay dekedo tiro badan kuwaas oo tartan kula jira dekeddayada, marka waxay arrintaas dawladdu u aragtay arrin taabanaysa Qarannimada,” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in wax alla wixii hanti ka gashay Dp World ka gashay dekedda magdhaw laga siin doono.

Shirkadda Dp World ayaa Somaliland la gashay heshiis ay 30 sanno ku maalgashanayso dekedda Berbera, kaas oo ay leedahay saamiga ugu badan. Dekedaha Berbera iyo Jabuuti ayaa ku loolamaya suuqa Itoobiya oo ah dal dhaqaalihiisu xawli ku socdo, 100 milyan oo qof ku nool yihiin oo bilaa bad ah waxaana suuro gal ah in Jabuuti arrintaasi u cuntami wayday iyada oo warbaahinta dunida iyo dadka siyaasadda istiraatijiyada faalleeya ku doodeen markii dekedda Berbera DP World loo dhiibay in ay tartan adag galinayso dalka Jabuuti oo dhaqaalihiisu dekedaha ku tiirsan yahay kuna kaliyaystay Geeska Afrika.