Xaalka Itoobia oo jid xun cagta saartay gaar ahaan Gobolada Oramada iyo Amxarada.

Wararka naga soo gaadhay dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka oramadda magaalada Nekemte ayaa sheegaaya isku dhac xoogan oo dhimasho iyo dhaawac sababay inuu kadhashay kadib markii ciidanka fadaraalka Itoobia ay soo xidheen raggii ugu cadcadaa mucaaradka iyo kacdoonka oramadda kuwaas  oo kala ahaa Bekele_gebara iyo Merera_gudina

Kacdoon wadayaasha Oromadda ayaa ku hanjabaya in xaaladda dalku maalmaha soo socda gacanta ka bixi doonto haddaan wax laga qaban arrintan ragaan  la xerayna aan xoriyadooda dib loogu soo celinin.

Is fahan daro hor leh ayaa siyaasiinta EBRDF soo kala dhax gashay ka dib markii la isku mari waayay ninka hogaanka wadanka u qabanaya kaas oo ay qoomiyadda oromiya si shuruud la aana ku dalbanayso in shakhsigay ayagu wataan lagu dhawaaqo balse waxaa la sheegayaa sheekada hoose ayaa ah in qoomiyada axmaaro u jan jeedsatay dhinaca qoomiyada tigray taas oo sababtay in xabsi mar kale loo taxaabo siyaasiinta ugu tunka wayn mucaaradka iyo kacdoonka oromiya oo mar dhaw uun xabsiga laga sii daayay

Xaalada ayaa mar kele la moodaa inay ka sii darayso oo aad loo sii kala fogaanayo waxaana lagu loolamayaa gacan ku heynta awooda sare ee dalka , halka eey somaliduna sugeyso qolidii qabsataa sidii loogu kala dhuuman lahaa shaqaalena loogu noqon lahaa alow sahal amuuraha.