DAAWO; Qisada Maxamed ku Qabsatay Liibiya midba mida kale wey ka xanuun badan tahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka hirgelisay xarun lagu daryeelo dadka laga soo celinayo dalka dibadiisa gaar ahaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Liibiya.

Hadda xarunta waxaa ku jira oo lagu daryeelaa dad fara badan Soomaaliyeed oo maalmo ah ku jira kuwaasi oo laga soo celiyay dalka Liibiya.

Maxamed C/raxmaan Maxamuud,wuxuu ka mid yahay 11-Qof oo dhawaan Dowladda Soomaaliya ka soo celisay dalka Liibiya oo ay mudo ku dhibaateysnaayeen xitaa la gaaray in sidii xoolihii loo kala iibsado.

Maxamed oo Warbaahino kala duwan wareysi Xasaasi ah oo qaarkood murugo leh siiyay marka uu ka hadlay xaaladda ku soo qabtay liibiya mararka qaar la ilmeey.

Halkaan Hoose Ka Daawo Muuqaalka;-