Daawo Sawirada; Qarax gil gilay Xarun Ganacsiga oo ku taalo Ingiriiska & 4ruux oo dhimatay.

Afar ruux ayaa ku dhimatay Qarax iyo dab ka kacay dhismo Ganacsi oo ku yaalla magaalada Leicester ee bartaha dalka Ingiriiska xilli dambe oo maanta ah.

Sidoo kale Sawir lasoo dhigay Baraha bulshada ayaa muujinaya holac weyn oo qabsaday wax u muuqda Goob Ganacsi.

Booliska ayaa sheegay in Afar ruux oo kale oo aan aheyn kuwa dhintay oo dhaawac ah loo qaaday isbitaalka kuwaasi oo uu soo gaadhay dhaawac halis ah.

Waxaa la xidhay waddooyinka Aagga ay wax ka dhaceen, waxaana goobta gaadhay 6-Gaadhi oo kuwa dab-damiska ah si looga hortago in Dabka uu kusii fido dhul hor leh.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in aysan jirin cadeyn muujineysa in falkaan uu xidhiidh la leeyahay argagixisada, hase ahaatee waxa uu carabka ku dhuftay in ay wadaan baadhis.

Wariye ka tirsan BBC-da ayaa sheegay in marka loo eego awooda Qaraxa uu saameeyay Qalabka ku xidhan ilaa Afar waddo ah oo kuwa gaadiidka laga hago oo burburay.