Raysal-wasaare Khayre iyo wafdigiisa oo lagu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta (Daawo Sawirro)

Wafdigii uu horkacayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay fiidkii gaadhay Magaalada Abu Dhabi ee dalka isu tagga Imaaraadka Carabta

Kheyre iyo wafdigiisa oo labo cisho joogi doona dalkaas ayaa waxaa garoonka dayuuradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha Imaaraadka Carabta Suhail Mohamed Bin Faraj Al Mazrouei iyo Masuuliyiin kale.

Kulamo ayaa la sheegay iney maalinta maanta ah Magaalada Abu-Dubai ku yeelan doonaan wafdiga raisul wasaaraha Soomaalia iyo madax sare oo ka tirsan dowlada Imaaraadka Carabta kuwasoo looga wada hadli doono arrimo khuseeya xidhiidhka labada dowladood.

Waa markii  ugu horeysay ee uu RW Khayre booqdo dalka Imaaraadka carabta tan iyo markii sanad ka hor loo magacaabay xilka, waxaana la filayaa wadahadalada labada dhinac in diirada lagu saaro sidii meesha looga saari lahaa mugdi soo kala dhex galay. mudooyinkan.

Booqashaddan waxay ku soo beegantay wakhti ummadda Soomaaliyeed shiki iyo walwal ay ka qaban siyasaada immaraadku ka leeyahay dalka Soomaaliya.