Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiska Dekedda Berbera uu yahay sharci darro.

Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadlayso heshiiska dekedda Berbera.

Wasaaradda ayaa ku tilmaamatay heshiiskan  mid lagu wiiqayo midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliya.
Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn heshiiskan loona maray habraac aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel-Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda