Cajiib Dowlad caalamka ka tirsan oo dhul ay leedahay u hibeysay dowlad kale (Daawo Sawirro)

Maxkamadda ugu sareysa ee dalka Masar ayaa meesha ka saartay dhammaan caqabadihii dhanka sharciga ee  lidiga ku ahaa heshiis boqortooyada Sacuudiga loogu wareejiyay laba jasiiradood oo ku yaalla badda cas kuwaasoo ay lahaayeen Masaaridu.

Go’aankan ayaa ku soo beegmay xilli lagu wado in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxammed Bin Salman, uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Masar.

Heshiiska Jasiiradahan ayaa markii ugu horeysay lagu dhawaaqay sanaddii 2016, waxaana taa bedelkeed ay dowlada sacuudiga ay fulin dalka Masar mashaariic waaweyn oo balaayiin dollar ay ku baxeyso kuwaasoo ay ka mid tahay kaabad dheer oo labada dal isku xidheysa.

Go’aanka ay xukuumadda Masar ugu wareejisay Jasiiradahan ayaa wax ka dhasay dibadbaxyo looga soo horjeedo oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka Masaaridu.

Waxaa sidoo kale go’aankan ka hor yimid caqabado dhanka sharciga ah iyo kiisas Maxkamadaha la geeyay.

Jasiiradaha ay Masar wareejisay oo lagu kala magacaabaa Tiran iyo Sanafir ayaa la sheegay in Sacuudigu ka dhisan doono saldhigyo milateri.