Turkiga Oo Soomaaliya Ku Wareejiyay Darees Cusub Iyo Halis Ka Taagan In Uu Gacanta U Galo Alshabaab.

Dowladda Turkiga oo saaxiibbo dhow la ah dhiggeeda Soomaaliya ayaa ku wareejisay madaxda ciidanka qalabka sida dhar Tuutte ah oo gaar u ah qaar kamid ah ciidamada qalabka sida.
Dharka la qeybiyay ayaa ahaa kuwa iskugu jira Isku joog, Koofiyado, Kabo iyo dhammaan waxyaabaha muhiimka u ah  lebbiska ciidanka.
Abaandduulaha ciidanka qalabka sida Jeneraal Cabdullahi Cali Caanood ayaa u mahadceliyay wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, oo uu ku sheegay in ay si wanaagsan uga qeyb qaadaneyso dhismaha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed.
Dareyska la qeybiyay ayaa ah kuwa loogu talagalay ciidanka badda iyo kuwa cirka Soomaaliya, maaddaama dhowaan ay sheegteen dhibaato dhanka agab la’aanta ah oo ka jirta ciidankaas dhexdooda.
Ha yeeshee waxyaabaha aadka looga cabsi qabo waxaa kamid ah halista ah in ay gacanta u gasho kooxda Shabaab oo inta badan dagaal kula jira dowladda Soomaliya, inta badanna isticmaala dareeska ciidanka dowladda, sidaa darteeda halisteeda ayeey leedahay sida dad badan ay ka digayaan.
Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha ugu saameynta badan siyaasadda Soomaaliya, waxaana ay kaalmadan kusoo aadeysaa xilli Soomaaliya ay baahi badan u qabti dib u dhiska ciidan cagihiisa ku istaaga oo looga maarmi karo ciidanka shisheeye ee AMISOM ugu horreeyaan.

1520231163 15504873415a9ce2fb194a5 Darees 4

1520231157 9973150005a9ce2f5a7493 Darees 1

1520231165 11581009945a9ce2fd2c21b Darees 5