Qarax Khasaara Dhaliyay Oo Ciidamada Jabuuti lagula Beegsaday Gobolka Hiiraan.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay qarax xooggan oo ciidamada shisheeyaha AMISOM lagula eegtay badhtamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala eegtay ciidamo katirsan kuwa AMISOM ee  ku sugaan qeybo katirsan gobolkaasi.

Qarax maanta barqadii ka dhacay garoonka diyaaradaha degmada Buula Burde ayaa sababay dhimashada Askari Jabuutiyaan ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen jugta qarax xooggan oo lala eegtay goob ay garoonka diyaaradaha uga sugnaayeen ciidamada Jabuuti,sidoo kale waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar katirsan ciidamada maamulka HirShabelle ee magaaladaasi ka arrimiya.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax ka dhacay Buula Burde lagu dilay ciidamo Jabuutiyaan ah, balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska ciidanka iyo dawladda Jabuuti midna oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay qaraxyada lala helay.