Dhaxal Sugaha Boqortooyadda Sucuudiga oo sheegay inay sameeysan doonaan bambooyinka nukliyeerka haddii Iran sidaas sameeyso.

 

Dhaxal sugaha boqortooyadda Sacuudi Carabiya, oo hadda ku sugan magaalada Washington, ayaa dabada ka riixaya in la soo dedejiyo Heshiiska Nuclear-ka Maraykanka, kaas oo laga yaabo inuu wadada u xaadho xukuumada Sacuudiga inay kobciyaan Uraniumka – Tamarta Nuclearka oo ay si degdeg ah u sameystaan hubka Nukliyeerka hadii Iran ay sidaa sameeyaan.

„Sucuudi Carabiya ma doonayaan in ay sameystaan hubka nukliyeerka, laakiin shaki kuma jiro hadii ay Iran soo saartaan nukliyeerka, waxaanu raaci doonnaa sida ugu dhakhsaha badan,“ ayuu yidhi Mxamed Bin Salman oo wareysi siiyay warbaahinta CBS.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu marti galiyo dhaxal sugaha boqortooyadda Sucuudiga 20-ka bisha March.

Horaantii bishaan Saraakiil sare oo ka socda Sacuudi Carabiya iyo Maraykanka ayaa dib u bilaabay wada hadalo ku saabsan heshiiska in laga dhiso 16 Nuclear-reactors wadanka Sacuudiga 20-ka iyo 25ka sano ee soo socda, oo ay ku baxayso kharash ka badan $ 80 bilyan