Xiisad Cusub oo Kabilaabatay Dhulka Axmaarada & TPLF oo Kufashilantay.

Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in xiisad culus ay maalin nimadii shalay ahayd kabilaabatay Gobolka Axmaarada taas oo udhaxaysa dadka deegaanka iyo xukuumada uu wakhtigeedii dhamaaday ee wayaanaha.
Sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa bilaabatay kadib markii kooxda TPLF ta ee talada wadanka xooga kuhaysata ay bilaabeen in ay dhulka Axmaarada ka raraan qalab muhiim ah oo dadka iyo dalkaba anfici lahaa, kaas oo sida lasheegayo loo rari rabay Gobolka naas nuujinta badan haysta ee Tigreega.
Wariye madax banaan oo kusugan dhulka Axmaarada ayaa sheegay in ay xiisadu cirka isku shareertay kadib markii dadwayne cadhaysan ay is hortaag kusameeyeen qalab ay lahayd shirkada korontada oo dhulka Axmaarada laga daad guraynayay, isla markaana loodaabulayay Gobolka Tigreega oo indhawaalaba lagaynayay qalab aad ubadan oo qaali ah.
Kooxda TPLF ee wadanka ka arimisa ayaa bilihii lasoo dhaafayba qalab aad ubadan oo muhiim ah ku daad guraynayay Gobolka Tigree, waxaana qalabkaas kamid ahaa hub aad u culculus iyo waliba Raadeelo iyo qalab kale oo aad ubadan isla markaana ay xukuumada wayaanuhu lahayd.
Kooxda TPLF ayaa lasheegay in ay talaabadan qaadeen kadib markay yaqiin sadeen in taladu ay gacantooda kasii baxayso, waxayna kooxdu doonayaan in hadii ay xaaladu xumaado ay goostaan Gobolkooda ay aadka u hormariyeen, waxaana lasheegayaa in ay geeyeen dhulka Tigreega qalab ciidan oo ladoonayo in Gobolka Tigree lagu difaaco burburka kadib.
Isku soo wada duub oo dadka shacabka ah ee kudhaqan dhulka Axmaarada ayaa is hor taag wayn kusameeyay boobkii hantida shacabka ee taliska wayaanuhu uu baryahan waday, waxaana lasheegayaa in ay gabi ahaanba istaagtay howlihii hanti boobka ahaa ee kasocday dhulka Axmaarada.