Safiirka Dawlada Ingiriiska u fadhiya Addis oo sheegay war ka nixiiyey dawladda Itoobiya Qirayna in dalku madaxa la gashay burbur iyo Itoobia oo ka jawaabtay.

Waraka aan ka helayno magaalasa Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobia ayaa sheegata inuu wali socdo shirkii lagu dooranayay R/Wasaraha Cusub ee Ethiopia walina la isku mari laahay
Dhinaca kale war ay aad uga nixiyay dawlada ayaa wuxuu kasoo yeedhay Safiirka dawlada ingiriiska u fadhiya Addis ayaa mar uu warbaahinta lahadlayay sheegay inaanay ilaa hada garanaynin cida wadanka ka talisa
Waxayna hadalkaasi ka xanaajiyay dawladA gaar ahaan xisbiga TPLF waxaana u jawaabay wasiirkii hore ee A/Dibada Ethiopia Sayuun Masfin wuxuuna sheegay inuu wadanku dawlad leeyahay inkasta oo khilaaf adagi Xisbiga EPRDF u dhexeeyo

Afhayeen Uhadlay dawlada Ethiopia oo Qirtay In Uu Wadanku Xaalad Adag Kujiro
Afhayeenka u hadlay Common Post oo Mishiinka maamula wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in wadanku uu galay qaqalaase xoogan oo wax kaqabad ubaahan.
Asafa Abiye oo ah afhayeenka kooxda wadanka kumaamusha oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in wadanka uusoo galo hub aad ubadan oo sida uusheegay qaab aan sarci ahayn wadanka kusoo gala, Asafa Abiye ayaa sheegay in wadamada dariska la ah Itoobiya ay wadanka soo galiyaan hub sharci daro ah oo wadanka Itoobiya lagu duminayo.
Afhayeenka oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in dhamaan xuduudada wadanka ay kasoo galaan ciidamo hubaysan oo sida uusheegay loosoo diray in ay burburiyaan xukuumada Itoobiya kadhisan, kuwaas oo sida uu Asafa Abiye sheegay aad utaba baran.
Afhayeenka TPLF ee warbaahinta lahadlay ayaa sidoo kale carab baabay in cunaqabatayntii shidaalka ee wadanka lagu soorogay aysan xukuumada wax dhib ah ukeensanin, taas oo katurjumaysa walwalka ay shidaal la’aantu kuhayso iyo sida uu dhibku utaabtay.
Dhinaca kale Shafarow Shukute oo kamid ah saraakiisha ugu sarsaraysa dawlada ayaa sheegay in gabi ahaanba ay kufashilmeen maamulkii wadanka, wuxuuna intaas kudaray madaxdu ay mas’uul katahay dhibka wadanka kajira.
Kooxda TPLF ayaa indhawaalaba kusoo celcelinaysay hadalka noocan oo kale ah waxaana sidan oo kale uhadlay dhowr qof oo kamid ah saraakiisha hase yeeshee majiro wax ay kaqabteen maamul xumada ay isku qirayaan.