Jabuuti Oo Noqonaysa Marinka Cirka & Dhulka Ee Qaaradda Afrika.

Jabuuti Oo Noqonaysa Marinka Cirka & Dhulka Ee Qaaradda Afrika kaas oo hadal jawaab waafi uga dhigan hadalkii ka soo yeedhay dalka Immaraadka Carabta todoobaado ka hor.

Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal cusub oo ay ku dhisayso deked iyo garoon weyn oo diyaaradaha ah si ay u noqoto marin muhiim ah oo ay isticmaalan maraakiibta iyo diyaaradaha qaaradda Afrika wax soo galinaya amma ka dhoofinaya.

Maareeyaha dekeddaha iyo aagga xorta ah ee Jabuuti Abuubakar Cumar Xadi ayaa shalay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay wada hadal kula jiraan shirkad dhanka dekedaha ah oo lagu magacaabo CMA CGM oo Faransiiska laga leeyahay.

Waxa uu sheegay in qorshaha wada hadalku yahay dhismaha deked cusub oo ku kacaysa $660 Milyan oo dollar laga dhiso Jabuuti taas oo qayb ka ah hammiga dawladda Jabuuti ee ah in ay noqoto xarun weyn oo dhanka isu socodka badda ah.

Waxa uu sheegay in si loo rumeeyo hammiga Jabuuti ee ah in ay noqoto xarun isu socod oo cirka iyo badda ah la dhisi doono madaar ku kacaya 350 Milyan oo dollar si loo balaadhiyo awoodda garoomada Jabuuti ee diyaaradaha xamuulka qaada.

Shirkadda Faransiiska ah ayaa la filaya in bisha Julay lala galo heshiiska, islamarkaana dhismaha mashruucu bilaamo bisha September kadibna socdo muddo 24 bilood ah. Waxa uu maareeyuhu sheegay in mashaariicdani kor u qaadayso mugga xilligan ee dekedaha iyo madaarada Jabuuti qaadi karaan.

Waxa kale oo uu sheegay in ay shirkadda DP World ka iibsanayaan saamigeeda 33% ah si looga baaqsado in ay maxkamad isla galaan kadib markii bishii hore ay Jabuuti eriday shirkadda DP World.