Baaqa ay soo direen Duqaydda reer Ashacaddo.

Waxgaradka duqayda iyo maamulka magaalada ashacaddo ee gobalka Salaal ayaa baaq udiray walaalahooda qolqoljoogta iyo qurba joogtaba si ay ugasoo taageeraan horumarinta adeegyada aasaasiga ah EE bulshadda, sidookle waxa ay odayaashu carabka ku adkeeyeen in dhanka waxbarashada ay baahiweyn uqabaan islamarkaasna uu jiro dugsi hoose oo 1 macalim joogo isaga oo aan ku filnayn in uu wax baro boqolaal caruur ah oo tuulada degan.

Waxa ay cod dheer iyo mid gaabanba ugu baaqeen walaalahood in ay ka qaybqaataan kor uqaadista waxbarashada EE tuulada.
Ashacaddo waa tuulo dhacda badhtamaha xeebaha galbedka
Somaliland,islamarkaasna uu ku yaalo kastamka labaad ee gobolka salal oo lagu cashuuro alaabada Soo dhinac marta kastamka cashuuraha ee degmada saylac,nasiib daro, kastamkan ayaa mid aan wax taakulo ah ka geysan horumarinta aasaasiyaadka ee tuulada,isaga oo uu maamulo ka yahay nin Isla deganka kasoo jeeda.
tuuladan ayaa dhextaal u ah isku socodka magaaloyinka borama EE Somaliland iyo magaalada djibouti EE dalka djibouti, Isla markaasna ay ku nastaan dadka safarka ah EE iskaga gooshaya labada dhinac.
Beryahii udambeeyay waxaa sare ukacay mujtama tuulada oo marba marka ka dambysa ay kusoo kordhayaan dadka abaaruhu sameeyeen,kuwaas oo ubaahan in laga taageero baahiyaatka aasaasiga ah sida, waxbarashada,caafimadka,iyo biyaha.
Dawlada hoose EE degmada saylac ayaa ah mid aan garanyn masuuliyada kasaaran tuuloyinka hoosyimaada degmada wax horumarin ahna ka samayn dhinacyada nolosha.
Inkasta oo ay jiraan ururo khayri ah iyo kuwo ka shaqeya kor horumarinta waxbarashada sida hay’ada RAMAD CHARITY oo waxqabado badan ka samaysay guud ahaan gobolka salal sida dhisida hospitaalo,iskuulo boodhin ah,bixinta gawaadhida gargaarka degdegah iyo qodista barkadaha biyaha ayaa hadana deganka ashacado yahay deegaan ka qatan horumarkaas.

Guntii iyo gebogabadii, waxan baaq udiraynaa dhamaan hay’adaha ka shaqeya waxbarashada,qurbajogta,iyo qolqoljoogtaba in ay ka qaybqaataan horumarinta baahiyaatka bulshada tuulada ashacado,kana Soo jawaabaan baaqa waxgaradka deganku Soo dirayaan.