kaluumaysatada degmooyinka saylac iyo lawyacaddo oo ka cabanaaya

kaluumaysatada degmooyinka saylac iyo lawyacaddo oo ka cabanaaya kaluuumaysato ajaanib ah oo cidhiidhi ku galiyey badda xeebta saylac.
Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga xassan gaafadhi ayaa hadda ka hor Soo saaray wareegto ruqsadda lagala noqonaayo maraabkiibta shisheeye EE ka kaluumaysta baddaha maamulka  Somaliland EE loo yaqaano jiraafka kuwaas oo xaalufin ba’an ku hayay khayraadka badda.
Si kastaba ha ahaatee waxa la arkaa in goaankaa wasaaraddu hirgelin islamarkaasna ay weli kaluumaysadda ajaanib ah ay  badda siday doonaan uga jilaabtaan.
Badda  xeebta Saylac ayaa ah mid qani ku ah noocyada kala duwan ee kaluunka,lagana helo kaluumo ka dabargoay baddaha kale EE dunida,kaas oo Soo jiitay maraakib ajanabi ah.
Wasaaradda khayraadka badda waaxdeedda kaluumaysiga ayaa hore usiin jirtey maraakiibtan ruqsad ay ku kaluumaystaan ,waxana la raacin jiray askar amnigooga ilaalisa iyo shaqaale wasaaradda ka socda oo ka ilaaliya in ay gurtaan kaluun aan ahayn kan ay ruqsada uhaystaan.