GOBOLKA SITTI QAYB MA KA YAHAY ISBADALKA SOCDA ?

Gobolka Sitti oo horay loo yiqiin gobolka Shinile waa mid ka mid ah sagaalka gobol uu ka koobanyahay gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
TILMAAN AHAAN G.SITTI XAGUU DHACAA ?
Sitti gobolka Soomalida Wuxuu kaga beeganyahay waqooyi-galbeed .
Koonfurta waxaa kaga beegan gobolka oromada ,galbeedna gobolka canfarta ,waqooyina jamhuuriyada Djibouti , Barigana jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaalia .
MAGACA SITTI MAXAA LOOGU BIXIYAY GOBOLKA ?
Magaca sitti ee gobolku ku magacaabanyahay waa magac qiima gaar ah ugu fadhiya bulshada ku dhaqan gobolkaa iyo Beelwaynta Ciise guud ahaan ba .
Sitti waa buur ama gunbur ku taala banka geel case magaala ahaan waxaa ugu dhaw magaalada la odhan jiray laas-xadhaadh oo imika loo yaqaan magaalada Sitti .
Buurta Sitti waa goob taariikhi ah waxayna kamid tahay goobaha dhaxal-dhaqmeedka aduunka astaamaha u ah .
Qarniyo ka hor goobtaa iyada ah waxaa shirwayn oo dhaxal gal ah ku qabsaday Beelwaynta Ciise oy matalayaan 44 oday oo indheer garad ah shirkaa oo looga hadlayay Xeerka ciise .
Sidaa awgeed iyaa gobolka loogu magac daray Gobolka Sitti .
DEGMOOYINKA GOBOLKA
Gobolka Sitti wuxuu ka koobanyahay dagmooyin waxaana kamid ah : Degmadda Shiniile ,

Degmadda Ayshaca,

Degmadda Hadhagaala,

DegmaddaErer,

Degmadda Biki-Gota,

Degmadda.Afdem

Degmadda Gablalu,

Degmadda Dambal,

Degmadda Ma’ayso.
Degmo kastana waxaa hoos yimaadaa magaalooyin iyo dhul aad u ballaadhan .
XARUUNTA GOBOLKA
Gobolka Sitti waxaa xaruun u ah magaalada caanka ah ee Diri dhaba oo uu si rasmi ah u daganyahay aabaha guud ahna ogaaska Beelwaynta Ciise .
MEHERADAHA BULSHADA SITTI KU DHAQAN
Bulshada Sitti ku dhaqan meherad ahaan waxay iskugu jiraan xoola dhaqato , beeraley .iyo ganacsato Waxayna u badanyihiin xoola dhaqato .
2003 dii tira koob ay samaysay laanta hawada ee laga leeyahay dalka Canada ee loo yaqaan „CSA “ waxay shaacisay inuu gobolka sitti yahay gobol aad qani ugu ah xoolaha nool : lo’da 207,472 madax – idaha 670,956 madax – riyaha 849,451 madax – geela 103,052 madax – dameeraha 16,138 madax .
CIMILADA GOBOLKA SITTI
Cimilo ahaan Sitti meelaha buuralaydu jiilaalkii aad bay qabawdahay meelaha godatooyinkuna qabawga way ka sahlantahay ,
Xiliga Xagaaga dharaartii kulayl sidaa u daran malaha , habeenkiina waa qabaw meel dhexaad ah .
Roob aad u badan ayaa ka da’a kuna beegan xilli roobaadkii saxda ahaa sida roobka guga , karanta …iwlm .
Sanadahan danba ee isbadal ku yimid cimilada aduunka waxaa fara kulul ku haya gobolka sitti abaaro aad u foolxun oo xaalufiyay burkii carradana ka qaaday labeentii oo qaawiyay .
DHUL AHAAN INTUU KU FADHIYAA GOBOLKA SITTI ?
Balladh ahaan Gobolka Sitti wuxuu ku fadhiya dhul qiyaastiisu tahay : 29,693 km2 .
Balladhkaa markaan is dul taagno Sitti waxay dhul ahaan ka wayntahay waddamo badan oo caalamka ka tirsan sida : Albania , Burundi , Haïti , Rwanda , Djibouti , Slovenia , Qatar , Koweït, Vatican,Bahreïn, Liban ,Jamaica , …. iyo wadamo kaloo badan .
KHAYRAADKA DABIICIGA AH EE GOBOLKA SITTI
sitti waxay qani ku tahay uu eebe ugu deeqay macdan iyo khayraad dabiici ah oo kala jaad jaad ah sida :
* Xoolaha nool
* Kaydka biyaha hoose
* Carro macaan
* Macdanta batrolka – sida ay sahamiyeen hay’daha qaar –
*Macdanta dhagaxda qiimaha leh .
Gunaanadkii „demographics“ ahaan gobolka sitti bulshada ku dhaqan 98% waa beelwaynta Ciise waana bulsho wax walba kamidaysan , Diin , dhaqan , af , xeer , hiide iyo taariikh , wada dhalasho iyo xidid .
Waxaana hogaamiye guud iyo aabo ruuxi ah u ah Ogaaska .
HORUUMARKA IYO BADHAADHAH BULSHADA :
Sitti Waxaa ka jira horuu mar la’aan dibu dhac , Faqri hoos uga dhacay xadkii la yaqaanay , bulashada sitti waa ay ka qatanyihiin adeegyada bulsho ee asaasiga ah sida tacliinta , caafimaadka ,laydhka , biya galinta , jidadka , sidoo kale dheef kuma laha mashaariicda horawmarineed ee hay’adaha aduunku ku deeqaan .
waxaa ku yaala sitti magaalooyin boqolaal sano jira oonan darbi cusub laga taagin , daarihii ka dhisnaana ay sii dumayaan , dhalinayardiina ay nolol xumo uga wada haajireen .
Kama danbayntii :
Xiligan oo shucuubta Ethiopia qaarkood ay ka galgisheen nolol xumada hadii rabitaan uu jiro bulshada Sitti ku adkaan mayso inay ka tallaabsadaan caqabadaha hor yuurara ee u diidan horaw mar waara inay gaadhaan sidoo kale ku adkaan mayso inay masiirkooga ku la hagaagaan jihada ay iyagu u arkaan inay badhaadhe ku gaadhi karaan .
Waxaa xiga qayba kale – insha allah –
W.Q / Zakaria Saad Ahmed