Daawo Sawiradda Haween Soomaali ah oo Darbi Jiif ku ah Indonesia (Xaalad Murugo ah ayay ku sugan yihiin)

Magaalada Jakaarta ee Caasimadda Dalka Indonesia waxaa ku sugan qaxooti  ka badan 13,000 oo qof oo intooda badan ay diidday dowladda sidoo kalena hay’adaha Qaxootiga ay u diideen kaararka qaxootinimo.

Dadkaas waxaa ka mid ah Haween Somaaliyeed oo aad u tiro badan,waxaa ay darbi jiif ku yihiin Waddooyinka Magaalada Jakaarta,waxaa ay ku jiraan nolol aad u adag,ma heystaan cunto,cabid,Hooy iyo wixii la mid  ah.

Dowladda Indonesia waxaa ay diidday in haweenka Qaxootiga ah ay shaqeystaan oo ay xitaa dhaq dhaqaaqa bulshada ku lugyeeshaan.

Taas beddelkeeda Haweenkan,waxaa ay dawarsadaan ama tuugsadaan  Dadka kale ee Qaxootiga ah ee heysta kaararka aqoonsiga Qaxootinnimo.

Haddaba hoos ka eeg sawirrada haweenka Soomaaliyeed