War-weyn oo bulshadu badi aanay ogayn+Ciidamada UNSOM oo tababar siisay Boliska S/land+Doorka Max’ed Kahin

Waa war cusub oo bulshadu badi aanay ogayn!!

Waxa yaableh in 26 March ee sanadkan 2018ka lagu qabtay magaalada Hargeysa kulan loo qabtay wasaarada Arimaha Gudaha iyo taliska Ciidanka Police Jam Somaliland. Kulankaas waxa u qabtay hay’ad Qaramada Midoobay ee UNISOM  laanteeda booliska ee UNSOM Police oo xarutoodu tahay Muqdisho. Wixii ka horeeyey xukumadan 2aad ee xisbiga Kulmiye iyo 7dii sanno iyo dheeraadka ahayd ee xukumadii Siilaanyo waxaa aynu ogayn in aan dalka laga ogolayn UNSOM oo waatii Uqaybsanihii UN-ta Nicholas Kay madaxweyne Siilaanyo sheegay in uu ka diiday in xafiis UNSOM ah laga furo Somaliland., Horena maxrxuun Cigaal iyo Daahir Riyaale iyaguna sidaa ayey siyaasada cad auga lahaayeen UNSOM.

Markii warkani is soo gaadhay 27kii March 2018-kii waxa aan raadiyey wax ii xaqiijiya, maase helin. Laakiin waxaa bogga Internet ka ee USOM Soomaalia la soo galiyey videogii kulankan oo ay ka muuqdaan saraakiisha UNSOM Police ee ugu sareeya iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, taliye xigeenka Booliska JSL.

Video waxa looga tuduc ama title dhigay “HARGEISA HOSTS HIGH LEVEL MEETING ON COMPREHENSIVE POLICE REFORMS”

Oo macnaheedu yahay “Hargeysi waxay marti galisay kulan heer sare ah oo dib u habaynta booliksa oo qoto-dheer”

Waa ka muuqada kulankan saraakiil ku labisan dirayska booliska UNSOM Soomaalia iyo shaqsiyaad ku shaqaysta magaca “Bulshada Rayidka ah ama “Civil Society” iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed.

Kulankan inta aan ogahay ma arag, mana maqal TV iyo idaacada ka warantay oo shacbiga JSL la socodsiisay, Muuqaalka waxa iska duubay laanta wararka ee UNSOM Soomaalia oo bogeeda Internet ka soo galisay.

Sarkaalka ugu sareeyea UNSOM Police ka Soomaalia, Lucien Vermeir oo kulanka balan qaadyo ka sheegayey
ayaa sheegay in ciidamo UNSOM boolis ah oo kuwa Somaliland caawiya ay keeni doonaan!

Markaa su’aashu waxa  ay tahay goormaa Somaliland ogolaatay in UNSOM timaad oo ciidamo iyo xafiis ku yeeshaan gudaha Somaliland?

Xigasho :Qaran