Daarta Dheer ama Xarunta Ganacsi ee Donald Trump-New York oo dab qabsaday+Tirada Dhimashada+Khasaaraha+Sawiro.

Dabaqa Trump Tower ee ku yaal badhtamaha magaalada New York islamarkaana uu leeyahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dab qabsaday ,waxaana ilaa hadda ku geeriyooday hal ruux, tiro kalena goobaha caafimaadka ayaa loola cararay.

Dabkan oo ka kacay dabaqa kontonaad ee daarta ayaanan wali la ogeyn waxa sababay, waxaana boolisku ay sheegeen in ruuxii daganaa qolka uu dabka ka kacay oo ahaa nin 67 jir ah uu ku geeriyooday Cusbitaalka.

Dab-damiyayaasha ayaa sheegay in dabkani ahaa mid aad u adag maadaama lagala tacaalayay dabaqa 50aad, qiiqi ka dhashayna uu dhib ku keenay dab-damiyayaasha.

Madaxweyne Trump oo ka hadlay dabkan ayaa waxaa uu kusoo qoray bartiisa twitterka Qoraal uu ku miijinayo dareenkiisa.

Donald J. Trump

@realDonaldTrump

Fire at Trump Tower is out. Very confined (well built building). Firemen (and women) did a great job. THANK YOU!