Wararkii u dambeeyay Diyaaradii lacagta faraha badan u siday Imaaraadka oo la fasaxay iyo warar kale oo khilaafsan.

Warar goor dhow na soo gaadhay ayaa sheegaya in diyaaradii lacagta faraha badan u siday ee u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho la fasaxay, iyadoo ay dejisay shixnad lacageed oo ay siday.

Diyaaradda siday shixnada lacageed ayaa waxaa la socday Ciidamo Imaaraadka Carabta ka tirsan oo gaadhayay illaa 30 askari, waxaa wararka qaar sheegayaan in lacagta ay siday ay gaadheysay illaa 13 milyan oo doollaar.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay soo farageliyeen muran ka dhashay in la baadho shixnada, iyadoo diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ka socotay ee lacagta ku sugayay garoonka ay ku doodeen inay leeyihiin xasaanad diblomaasiyad.

Ilo ku dhow dhow garoonka lacagta laga gelbiyay garoonka, isla markaana gawaadhi fara badan oo kuwa aan xabadaha karin lagu qaaday, waxaana wararku sheegayaan in loo qaaday xarunta Nabadsugida, si loogu baadho, iyadoo lagu wado in lagu wareejiyo Safaaradda Imaaraadka Carabta.

Lacagta ay siday diyaaraddan ayaa qeyb ka mid ah ay ku socotaa maamulka Puntland, gaar ahaan magaalada Garowe, waxaa loogu tala galay Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta ee ah ciidamada badda Puntland ee loo yaqaano PMBF.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan lacagtan oo laga war hayay inay ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Warar kalo dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaaradii lacagta siday ee lagu qabtay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,iyadoo horay u soo baxeen warar sheegaya in la gartay diyaaradda ka dibna la fasaxay ayaa hadana warar kale oo aan helay waxay sheegayaan in lacagta loo gudbiyay Bangiga dhexe.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, saraakiil ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya ayaa la wareegtay lacag $9 Milyan ah.
Lacagtan oo laga lahaa dalka Imaaraadka ayaa Abu Dhabi waxaa ay ku doodeysaa in ay tahay mushaar ay leeyihiin ciidamada ay ku tababarto maamul goboleedka Puntland iyo Banaadir.
Sida aan warar ku helnay ciidamo Soomaali ah ayaa difaacay aragtida Imaaraadka, laakin NISA ayaa ka diiday, waxaana lacagta loo qaaday Bangiga dhexe si loo sameeyo baaritaan dheeraad ah.