Jabbuuti Vs UAE; Xog Min Bilow Illaa Dhammaad Heshiiska Berbera iyo Saameynta Uu Ku Yeelan Karo Siyaasadda Gobolka

Jabbuuti, waa mid kamid ah dalalka soo koraya ee ku yaalla geeska Afrika. Istaatiijiyad ahaan waa dowlad ku taalla marin ku wanaagsan isku socodka Afrikada Bari iyo Gacanka Cadmeed, Juqraafi ahaanna waa dhul yar, biyuhu ku badan yahay, ahmiyad gooni ahna u leh shax siyaasadeedka geeska Afrika.
Dad ahaan waxaa lagu qiyaasaa 942,333-qofood, taas oo ah tiro aad uga yar dowladaha deris ay la tahay ee Soomaali, Ethiopia Iyo xitaa Eriteria, ha yeeshee Jabbuuti waa ay ka ahmiyad badan tahay dhammaan dalalka ay deriska la tahay.
Imaaraadka Carabta, dowlad dhaqaalle badan heysata, dooneysa in ay galangal siyaasadeed iyo mid dhaqaalle ay ku yeelato gobolka geeska Afrika, ayaan si fudud ugu qeexi karnaa siyaasadda xukuumadda Dubai.
Xiriir xilli badan jiray ayaa u dhaxeeya Jabbuuti iyo UEA, ha yeeshee sida hadda muuqata aad ayuu u dabcay, xitaa gaaray heer aad u hooseeya, haddaba waxa aan warbixintan ku jeex jeexi doonnaa sababaha ka dambeeya heshiis dhacaas soo dhex galay labada dal iyo sida uu xalka noqon karo.
Isu Tagga Imaaraadka Carabta ayaa heshiisyo la gashay Soomaaliland iyo Soomaaliya, kaas oo ku aaddanaa dekedaha Barbara iyo tan Boosaaso, Ethiopia oo kalyanti fiican u ahayd Jabbuuti ayaa saami maangal ah (Logic) ah ka heshay heshiiskaas ay dowladda SOomaaliya ku tilmaamtay in uu yahay baddil cad oo aan lagu wargelin.
In xukuumadda Adis Ababa ay ka hesho saami 19%kiiba waxa ay ka dhigan tahay in 55%kiiba ay yareyn doonaan adeegsigoodii dheeraa ee Marsooyinka (Dekedaha) Jabbuuti;  haddii ay middaas dhacdana, Geelle iyo dowladdiisa waxa ay si fudud u lummineysaa suuq xaami u ahaa in dhawaallaba.
Labada dal ayaa iskala qaaday heshiisyada Dekedaha cusub ee Imaaraadka ka hirgelinayo maamullada Soomaaliya, taas oo muran iyo khilaaf xooggan ka dhex aloodsiiyay labada dowladood.
Imaaraadka ayaa April sannadkii tegay heshiis kula galay maamulka Puntland $336 million, kaas oo lagu hormarinayo dekedda Boosaaso, halka maamulka iskooda iskugu dhawaaqay ee Soomaaliland ay Iyana la saxiixdeen heshiis fursad u siinaya Imaaraadka in ay saldhigyo ka sameystaan dekedda Barbara, waxaana heshiiskaas lagu qiimeeyay adduun lacageed gaaraya $442 million.
Xiisadda labada dhinac u dhaxeysa waxa ay saameyn xooggan ku yeelan kartaa dhinacyada kala Ah:-

 

Soomaaliya:- Ra’iisul wasaarraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyrre ayaa gaashaanka u daruurray heshiiskaas, wuxuuna sheegay in uu yahay baaddil aysan dowladda waxba ka war qabin; waa saameyn inteeda la eg in Soomaaliya oo ka go’da talada dhulkeeda in marti ay ka noqoto heshiis noocaas ah, dhacdadan waxa ay yeelaneysaa saameyn dhinacyo badan taaban karta oo hoos u dhigi karta xiriirka labada dal oo beryihii lasoo dhaafay aad u dabacsanaa.
Soomaaliland:- Tani waxa ay xumeyn kartaa xiriirka u dhaxeeya maamulka Soomaaliland iyo Jabbuuti, safarkii ugu horreyay ee madaxwaynaha dhowaan loo doortay Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu ku aaday Jabbuuti, waxaana loo maleexyaa in ay ka wada xaajoodeen sidii xal suurta gal ah looga heli lahaa heshiiska ay iska gaareen laba dhinac, ama ugu yaraan Jabbuuti looga qeyb gelin lahaa.
Eriteria:- waxa aad Is wayddiineysaa sababta uu Eriteria u saameyn karo khilaafka Jabbuuti kala dhexeeya Imaaraadka? Ha yeeshee Isbaheysiga Khaliijku horkacayo ayaa aad uga wel welsan is balaariska Iiraan ee gobolka, maaddaama kal hore ay la wareegeen dekedda Assab ee dalka Eriteria, taas baddalkeeda UEA waxa ay doonayaan meel ugu yaraan laga difaaco Yeman, maaddaama gobolka uu yahay meel istaraatiiji ah oo isku xiri kara gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.
Is balaarrinta Iiraan waxa ay soo dedejinaysaa in Imaaraadka ay ugu yaraan hal ama laba deked ka helaan gobolka, si loollanka Khaliijka iyo iiraan weji cusub u yeesho.
Ethiopia:-  Saameyn wayn ayeey ku yeelaneysaa khilaafka Jabbuuti iyo Imaaraadka, ha yeeshee waxaa is wayddiin mudan saameyn caynkee ah? Ethiopia oo kamid ah dowladaha ay ka go’do siyaasadda gobolka ayaa laalluush ahaan u heshay 19%-kiiba saamiga Dekedda Barbara, taas waxa ay keeneysaa in ay saameyso canshuurta laga qaadi karo shixnaddooda isticmaala Dekedaha Jabbuuti, haddii uu cadaadiska ku batana waxa ay markaas awoodaan in ay ka diga rogtaan maaddaama ay heleen Deked ay lahaansho u dareemayaan.
 
YEMAN:- Iyadoo xaaladda dalkaas ay tahay mid aad u cakiran, haddana saldhigga Imaaraadka ee Soomaaliya ay ka sameysaneyso iyo khilaafka Jabbuuti kala dhexeeya waxa ay xaaladda ku kordhineysaa karaarka, oo UEA waxa ay markaas awooddaa in si fudud diyaaradaheeda ay u duqeeyaan Yeman, taas oo laftigeeda xiisad kale abuuri karta.
Iiraan:- Siyaasadda gobolka ayaa yeelaneysa loollan aan ahayn, Galbeedka iyo Chine u dhaxeysa ee Jabbuuti ay marti soortay, waxa ay noqon doontaa Iiraan Vs Khaliijka; taas oo cusbo iyo milix ku dareysa dhadhanka siyaasadda gobolka oo in dhowaallaba aan wax xifaaltan iyo loollan aan lahayn.
Saameynta ay Iiraan ku yeelaneyso waa in Khaliijka ay heli karaan meelo ay u adeegsadaan duqeymaha ay ka geysanayaan dalka Yeman, kalka ay la dagaallamayaan Xuutiyiinta Shiicada ah ee Iiraan garabka ka hela.
W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali