Muxuu ka Dhigan yahay Go’aanka uu isku Casilay Guddoomiyihii Golaha Shacabka?

Xildhibaan Maxamed Siciid oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa sheegay tallaabo wanaagsan inay iscasilaada uu sameeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlaayay Xildhibaanka afaafka hore ee Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay tallaabada Jawaari uu iska casilay inay tahay arrin muujinaysa horay u socod iyo dimuqraadiyada Soomaaliya ka hanaqaaday.

“Waa tallaabo geesinimo leh oo uu qaatay, waana Oday Soomaaliyed oo taariiqda dalka baal dahab ah ka galaya, waa jidkii Dimuqraadiyada oo la qaaday, waana hab la wada maraayo oo nidaamka dalka ah iyo horumarka qayb ka ah.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Maxamed Siciid ayaa sheegay qorshaha hadda xiga iscasilaada Gudoomiye Jawaari inay tahay musharaxiin xilkaan u sharaxan inay yimaadaan, islamarkaana la maro hanaanka saxda ah ee doorashada Gudoomiye Baarlamaan.

Iscasilaada Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa waxaa Xarunta Golaha Shacabka ka sheegay Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahin Muudey, kadib markii uu halkaasi ka akhriyay Warqad la shegay Jawaari inuu soo qoray oo iscasilaadiisa ah.

Isbedel cusub ayuu yeelan doonaa hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya, kadib markii uu meesha ka baxay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadda noqonaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka.