DEG DEG DAAWO: Xildhibaan Fiqi oo Bixiyay Sirta Iscasilaadda Jawaari, Doorkii Farmaajo & Kheyre.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Xildhibaanadii DFS ee sida weyn u taageersanaa Gudoomiye Jawaari ayaa wareysi uu bixiyay uga hadlay arimo xasaasi ah.

Waxaa uu ka hadlay sababtii ka dambeysay inuu iscasilo Gudoomiye Jawaari iyo waxyaabaha ay ka ogyihiin iscasilaadiisa oo xili lama filaan ah kusoo aaday.

HOOS KA DAAWO MUUQAAL FULL AH

Waxaa uu Ra’isul wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa ku eedeeyay iney isku dayeen burburinta golaha shacabka, laakiin gudoomiye Jawaari uu qaranka bad baadiyay.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay doorkii uu Madaxweyne Farmaajo ku lahaa iscasilaadda Gudoomiye Jawaari.

Arimaha kale ee Fiqi uu ka hadlay waxaa ka mid ah sida uu baarlamaanka Soomaaliya u midoobi karo maadaama si weyn loogu kala qeybsamay arinta Jawaari.