Imaaraatka oo Tawaawac ka dhamaadday ka dib lacagtii looga qabtay Muqdisho.

Dowladda yar ee Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay waxa ay war tawaawac ah ka soo saartay lacagtii Ciidanka la dagaalanka Argagixisada ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay ku qabteen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ayaa Diyaarad ay leedahay Imaaraadka oo Garoonka ku soo degtay ka shakiyay, kadibna baadhitaano ayay kula dhaqaaqeen iyaga oo kaashanaya Ciidanka ammaanka, waxayna ku soo qabteen lacag dhan 9.6 Milyan oo Dollar, taasi oo ku jirtay Saddex Boorso.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa waxaa lagu sheegay in falkaasi ay aad u cambaareynayaan, lacagta Diyaaradda saarneyd-na loogu tala galay Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Imaaraadka in Saraakiisha ammaanka ay six un ula dhaqmeen rakaabkii Diyaaradda saarnaa, waxay kaloo tilmaameen in Ciidamada ammaanka ay qaateen lacag caddaan ah oo ay qayb ka ahayd lacagaha loo qoondeeyey inay Soomaaliya ku caawiso.

Imaaraadka wuxuu kaloo sheegay falka ka dhacay Garoonka Diyaaradaha inuu yahay dhaqan sharci daro ah, jabinayana sharciga caalamiga ah,  iyada oo sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xidhiidhka labada dal.

“Tallaabadani waa tallaabo sharci darro ah oo ka soo horjeeda qawaaniinnada diblomaasiyadeed ee asaasiga ah ee u dhaxeeya labada  wadan iyo jebinta qodobbada Heshiiska Is-fahamka ee la saxiixay Novembar 2014.” Ayaa lagu yidhi Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Imaaraadka.

Waxaa jira waddamo xidhiidh la leh Dowladda Federaalka oo taakuleeya laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda waxaa loo soo marsiiyaa habraac waa faqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xidhiidha isu-gudbinta lacagaha.