Erdugan oo dhexda u galay hirdanka Ruushka iyo Mareykanka, haysatana labo daran mid dooro.

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaalad adag badhtanka u galiyay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaas oo ay xalay saacado badan ay kaga wada-hadlayeen khadka taleefanka weerarka uu qorsheynayo in uu ku qaado dalka Suuriya oo ay ku sugan yihiin ciidamo Ruush ah oo taageera dowladda Suuriya.

Turkiga oo qeyb ka ah daladda NATO islamarkaana saldhigga ciidan ee ugu weyn ee NATO uu ku yaal dalka Turkiga ayaa ku qasban in uu la safto Mareykanka weerarkasto oo uu Mareykanka ama wadamada qeybta ka ah NATO uu la galo, maadaama sharciga NATO uu dhigayo in haddii mid ka mid ah wadamada dalladda ku jiro uu dagaal galo la garab istaago.

Arrintan ayaanan aheyn mid sahlan. Turkiga ayaa xidhiidh wanaagsan waxa uu la leeyahay dalka Ruushka, kaas oo ay ka wada shaqeeyaan xal u helidda arrinta Suuriya islamarkaana uu ruushku gacan ka siiyo dagaalka uu Turkigu ka wado waqooyiga dalka Suuriya.

Xidhiidhka waddamada quwadaha waaweyn  ee Ruushka iyo Mareykanka ayaa maalmihii u dambeeyay sii xumaanayay, wuxuuse kasii daray shalay kadib markii uu madaxweynaha Mareykanka kusoo qoray bartiisa Twitterka in Ruushku u diyaargaroobo gantaalaha uu kusoo ridayo Suuriya.

Ruushka oo horay u sheegay in  uu soo ridi doono gantaal walba oo Suuriya lagu rido islamarkaana uu beegsan doona goobaha laga soo riday ayaa waxaa ay taasi ka cadheysiisay madaxweynaha Mareykanka oo isna soo qoray in ruushku u diyaargaroobo gantaalahaasi oo uu kusheegay kuwo cusub oo caqli badan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xidhiidhka Mareykanka iyo Ruushka uu marayo meeshii ugu hooseysay, oo wali kasii hoos ah xilligii dagaalkii qaboobaa.

” – Waxaan ka wal-walsanahay xaaladda dalka Suuriya oo maalmihii u dambeeyay ay u fak-fakanayaan wadamo quwado militeri leh in ay ku hardamaan”, ayuu ku yidhi khudbad uu Khaliistii ka jeediyay magaalada Ankara madaxweyne Erdogan.

Markii uu Mareykanka ku dhawaaqay in uu tallaabo ka qaadayo xukuumadda Suuriya oo uu ku eedeeyay in ay sun gaas u adeegsatay dadkeeda ayaa Turkigu waxa uu garab u muujiyay Mareykanka, balse saacado kadib ayuu is badalay markii uu taleefan kula hadlay dowladda Ruushka.

Khabiirada dagaalka ayaa waxa ay sheegayaan in saddex mas`aladood ay u bannaan tahay Turkiga, in uu garab-istaago Mareykan ama Ruush, in uu arrinta dhex-dhexaad ka noqdo ama in uu gees ka ka istaago.

Mareykanka ayaa waxaa uu saldhig ciidan ku leeyahay magaalad  Incirlik ee dalka Turkiga, mana cada wali in saldhigaasi qeyb ka noqonayo goobaha laga weerari doono dalka Suuriya, haddii uu Mareykanku weerar qaado.

Xiisaddan cakiran ee u dhaxeysa Ruushka iyo Mareykanka ayaa waxa ay galisay Turkiga “labo daran mid dooro”, waxaana ilaa iyo iminka muuqata in ay doorteen mas`aladda saddexaad ee ah in ay dhex-dhexaad ka noqdaan xiisadda.

Turkiga ayaa xidhiidhkiisa Ruushka wanaajiyay kadib markii afgambi dhicisoobay uu ka dhacay dalkaasi Turkiga badhtamaha sannadkii 2015 kaas oo xukuumadda Erdogan ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan reer-galbeedka.