Heshiiska Berbera iyo Halisaha ku Gedaaman.

Ma aha arrin sahlan in si fudud loo deedifeeyo amaba loo taageero heshiis istaraatijiyadeed oo sida kan Berbera leh saamayn dhaqan, dhaqaale, amni iyo mid siyaasadeedba. Heshiiskani waa mid haddii si dhaw loo eego hannaanka loo maareeyey ay ka muuqanayso ka faa’iidaysi la’aanta reer Soomaliland (madaxda) ee taariikhda, loolanka siyaasadeed iyo ka dhaqaale ee adduunku soo maray iyo kuwa ka taagan xilliganba. Dad badan waxa u muuqata in aan marsada Berberi qiimaheedii bixin, halka qaar kalana ku doodayaanba in Somaliland sollo gashay iyo sursuur aanay ka bixi karin. Dhanka kalena waa heshiis dad ka qaar u arkaan khamaar wakhtigiisii jooga!
Si kastaba ha ahaatee, waa heshiis weji kan ka duwan, kana halis yar yeelan lahaa haddii fahan buuxa laga qabi lahaa ama jawaabo waafi ah loo heli lahaa arrimo ay ka mid yihiin ahmiyadda Badda Cas, ujeeddada ka dambaysa saldhiga ciidan ee Imaaraadka, iyo halista ka dhalan karta saamiga Itoobiya ku yeelatay dekadda Berbera. Qoraalkan waxa aan si kooban ugu eegaynaa: Badda Cas iyo isbedellada ka socda, maalgashiga Imaaraadka iyo saldhiga ciidamada, iyo istaraatijiyadda dabada kariixaysa doonista Itoobiya ee dekeddan.

Badda Cas iyo Isbedelada Ka socda
Ahmiyadda Badda Casi waa mid aan la yaraysan karin. Waa halka barkulanka u ah haatan ganacsiga adduunka, siyaasadaha tamarta iyo shidaalka, xagjirnimada, khayraadka dabiiciga ah, iyo danaha siyaasadaha dhuleed ee dunidu ku loolamayso xilligan.
Waxa jooga dalalkii reer galbeedka oo u muuqda in saamayntoodii gobolweeynaha iyo Badda Casiba sii gabaabsiyayaan iyada oo ay badanaaba isku koobeen hawlaha dhinaca amniga iyo argagixiso la dagaalanka. Dhanka kale waxaa iyana jooga Shiinaha oo cududiisa dhaqaale iyo saamayntiisa dhanka siyaasadduba sii kordhayso, Ruushkii ayaa isna raadinaya sidii uu galaangal ugu yeelan lahaa marin biyoodka Badda Cas. Marka laga tago heshiisyada baadhista macdanta ee uu galay, waxa uu Shiinuhu ka hirgeliyay mashaariic waaweeyn oo dhanka kaabayaasha dhaqaalaha la xidhiidha meelo badan oo gobolka iyo qaaradaba ka tirsan, sida dhuumo shidaalka qaada, jidad tareen, dekado iwm. Shirkadaha Shiinaha ee Afrika kashaqeeya waxaa lagu qiyaasaa in kabadan 10,000 oo shirkadood, halka maalgelinta uu Shiinuhu qorshaynayaana gaadhayso 60 bilyan oo dollar.

2

Haddaba, iyada oo xaqiiqooyinkaas laga duulayo, su’aasha meesha taallaa waxa ay noqonaysaa – Sidee ayay Soomaalilaand uga faa’iidaysan kartaa ama ula jaanqaadi kartaa isbedelladaas istaraatijiga ah ee ka socda gacanka Badda Cas?

Arinta lama huraanka ahi waa in Soomaliland dib u qaabayso xidhiidhada istaraatijiga ah ee ay la yeelanayso dhinacyada loolanku ka dhexeeyo ee kaladuwan, iyada oo xoogga la saarayo sidii xidhiidhadaas looga dhigi lahaa qaar ku dhisan dano la wadaago, isuna miisaaman. Taas oo ah in Soomaaliland aanay noqon ta marwalba leh gacanta hoose oo ku qanacda wixii yar ee loo tuuro, isla markaana buunbuunisa waxaa yar ee faroguudkood ah si ay dabool u saarto daldaloollada kamuuqda heshiisyada ay gasho, kalana dooran kari weydo fursadaha horyaalla. Halka dhanacyada kale noqonayaan kuwo ay u cadyihiin danahoodu – si dhammaystiranna ay ugu fulaan.

Marka laga yimaaddo reer galbeedka iyo Shiinaha, waxaa iyana jira dalal dhaqaale ahaan koboc badan samaynaya oo ay hormood u yihiin Turkiga, Hindiya, Koonfur Afrika, iyo Brazil; isla markaana saamayn badan dunida haatan ku leh. Sidaas marka ay tahay xaaladdu waxaa lagama maarmaan ah in siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliland aysan noqon mid il keliya leh ama si fudud uga ilduufta fursadaha ku hareeraysan balse waa in ay si balaadhan u deristaa fursad kasta oo suurtogal ah oo ay ku xaqiijinayso danteeda isla markaana ay mararka qaarkood xidhiidh la wada samayn karto dalal leh dano isdiiddan si ay u sahasho gorgortanka, danteedana ay ku gaadhi karto. Maxaa diidaya in Soomaaliland ay Hindiya iyo Shiinaha xidhiidh la wada samaysato, ama Ruushka oo ay xidhiidh muddo badan la lahayd ay ka fekerto qaabkii ay xidhiidh xooggan ula yeelan lahayd? Maxaa diidaya in Soomaaliland maalgashi dhinaca beeraha ah ka raadsato Qadar oo ay siiso dhul weyn oo ay wax ka beerato iyo in ay xoojiso xidhiidhka Turkiga oo ah mid ay wadaagaan taariikh ka badan qarni si ay uga faa’iidaysato aqoontiisa casriga ah (waxbarashada, tamarta iyo wershadaha fudud) iyo dhisitaanka kaabayaasha dhaqaalaha iyada oo Imaaraadkana dekadda siisay?. Arimahaas aynu kor ku xusnay marka aad is-dultaagto waxaa kuu soo baxaya in su’aalaha la isweeydiinayaa ka badan yihiin jawaabaha ay xukuumaddu bixisay.

Maalgashiga Imaaraadka iyo Saldhiga Ciidamada

Imaaraadku waa dal raadinaya in uu yeesho saamayn ka badan inta u suurtogalka ah marka la eego baaxadda dalkiisa, dadkiisa, dhaqaalihiisa, fikradaha uu xambarsan yahay, iyo inta ay le’eg tahay awooddiisa ciidan. Tusaale ahaan, runtii su’aalo badan oo aan weli laga wada jawaabin ayaa ku jira sida dal tirada muwaadiniintiisu ka yartahay 1.5million, tirada ciidankiisu ka yaryihiin 100,000 oo askari, dhaqaalaha uu sannadkii ciidankiisa geliyaana ka yartahay 2% dhaqaalaha dalka, uu haddana saldhigyo ciidan ugu leeyahay ama uga rabo Yamen, Soomaalilaan, Ereteriya, Liibiya iyo meelo kale oo badan. Muxuu ku falayaa saldhigyadan badan, maxaase dal ahaan faa’iido ugu jirta iyaga? Mase joogtayn karayaa?

Runtii ma aha Imaaraadku dal u baahan in uu cudud ciidan ku ilaaliyo danaha dhaqaale ee kooban ee uu leeyahay, danihiisa dhaqaale laftooduna ma aha qaar sidaas u buuran, lana joogtayn karayo mudada dhexe iyo ta fog toona marka la eego arrimaha aan kor ku soo sheegnay ee dabraya. Haddaba dad badan oo siyaasadda aqoon u leh ayaa aaminsan in isballaadhinta Imaaraadka ee dhinaca ciidamada ee
3

iminka socotaa tahay mid ku salaysan laab lakac, ismiidaamin, iyo xafiiltan aan aragti dheer ku dhisnayn oo kala dhaxaysa hogaamiyeyaasha khaliijka ee ay kala aragtida duwan yihiin sida Qadar.

Dhanka kale, waxa muhiim ah in aan iyana is weeydiino sababta Imaaraadku ugu baahday in uu saldhig ciidan ka agdhiso Berbera oo uu gelinayo keliya 400 milyan oo dollar halka aanu wax heshiis ciidan ah la gelin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, oo xaaladdeeda amni aynu kawada dheregsan nahay, oo uu dekad ugu maalgeliyay lacag ka badan 1.2bilyan dollar?. Marka arrintan hoos loosii dhugto waxa muuqanaysa in saldhigan, oo uu 20 sanno kiraystay, ujeedadiisu dhaafsiisan tahay dagaalka xilligan ka aloosan dalka Yemen, xafiiltanka Khaliijiyiinta dhexdooda ah iyo ilaalinta hantida kooban ee imaaraadku gelinayo dekedan.

Marka ay sidaa tahay, su’aasha muhiimka noqonaysaa waxa ay tahay, Imaaraadku yuu u ilaalinayaa marin biyoodkan albaab-dambeedka muhiimka ah u ah Israel iyo Masar, iskuna xidha Aasiya, Afrika iyo Yurub, yaase laga ilaalinayaa?

Si kasta oo xaal yahay, waxa cad in Imaaraadku marka la eego xidhiidhadiisa heer caalami iyo saaxiibada waaweeyn ee ay hadda duntu isugu xidhan tahay uu saamayn badan ku leeyahay golayaasha siyaasadda dunida laga hago – taasina haddii si istaraatiji ah looga faa’iidaysto waxa ay Soomaaliland u noqon lahayd fursad dahabi ah. Taas beddelkeeda ilaa iminka oo mashruucan, ay siyaasiyiinta dabada ka riixaysaa buunbuuninayaan, bilowgiisii laga joogo ku dhawaad seddex sannadood weli wax dan siyaasadeed ah ama xidhiidho cusub ama faa’iido la taaban karo oo Soomaaliland uga soo korodhay oo qofka muwaadinka ah indhihiisu arki karaan majirto.

Taa waxa sii dheer weliba in haatan Itoobiya oo ah dalka 43aad ee dunida ugu xoogga weyn isla markaana ah ka 3aad ee Afrika ugu xoogga badan, ujeedooyin iyo damac fogna ka leh dhulka Soomaalidu degto iyo Badda Casba ay Soomaaliland hoosta u soo gashatay si hubsiino la’aan ah.

Danaha Itoobiya

Isbeddel dhanka hogaanka ah ayaa ka dhacay Itoobiya, waxase mudan in la fahmo ayaa ah ‘in aanay inta badan is bedelin siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya’. Laga soo bilaabo boqorkii Tewodros oo ahaa boqorkii u horeeyey ee dejiyay siyaasadda dalkiisa (Itoobiya) ee ku waajahan gobol weeynaha Geeska Afrika, iyo dhammaan boqorradii kadambeeyey oo ay ku jiraan Boqor Yohannis IV, Menelik II ilaa laga soo gaadho Boqor Xayle Salaase iyo hannaanka siyaasadeed ee jira ee uu horseedka ka ahaa Malase Sanaawi, siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya waxa udub dhexaad u ah Amni, dhul ballaadhsi iyo helidda marin badeed.

Tusaale ahaan, boqor Xayle Salaase mar uu kulan la qaatay Madaxweeynihii Maraykanka ee Franklin Roosevelt sanaddii 1945, waxa uu u soo bandhigay damaca Itoobiya ee helitaanka marin badeed ay u madaxbannaan tahay. Waxaana loo rumeeyey riyaadaasi shan sanno kadib markii 1950kii la ogolaaday in Ereteriya lagu daro Itoobiya iyada oo Maraykankuna gacan weyn ka geeystay arrintaas. Dedaalkaasina waxa uu rumeeyay doonistii ahayd marin badeed ay Itoobiya yeelato.

4

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ee damaca dhuleed kudhisan tusaalahan oo qudha lagama dheehan karo balse waxaa iyana si fudud looga arki karaa heshiishadii ay la gashay French Somaliland March 1897, British Somaliland bishii June 1897, Italian Eritrea 1900, Anglo Egyptian Sudan 1902, British East Africa 1907, iyo weliba Italian Somaliland 1908. Ugu dambayntiina waxa ay heshiishyo kale oo gumaystihii Ingiriiska ay la geshayna ku qaadatay dhul Soomaalilaan lahayd oo Ingiriisku u gacan galiyay (Hawd iyo reserve area).

Si kastaba ha ahaatee, waxa markale mushkiladdii Bad la’aanta ee Itoobiyaa dib u soo cusboonaatay markii Ereteriya xorriyaddeedii la soo noqotay. Laga soo bilaabo kala guurkaas bad la’aanta dhigay, waxa ay Itoobiya aad isugu hawshay sidii ay saami uga yeelan lahayd dekedda Jabuuti. Si toos ah iyo si dadbanba Itoobiya waxa ay isugu dayday in ay maalgashato horumarinta dekada Jabuuti si ay galaangal ugu yeelato marin badeedkaas Badda Cas. Isku dayadaas oo dhamina waxa ay noqdeen kuwa aan midho dhalin, waxaana hor istaaggay Madaxweeyne Ismail Cumar Geelle oo u muuqda in uu arkayay halista ka iman karta damaca Itoobiya mudada fog.

Waxaa jidkaas Madaxweeyne Geelle mid ka duwan qaaday madaxweeynayaashii u dambeeyay ee Soomaaliland. Waxa ay si fudud oo aan kafiirsasho lahayn u suurageliyeen damicii istaraatijiga ahaa ee Itoobiya iyaga oo si shuruud la’aan ah ugu gacan geliyay baddii Somaliland – iyaga, haka noqoto hubsiimo la’aan ama aqoon la’aan tii ay doontaba e. Waana arrin halisteeda leh. Haddii Ingiriiskii Xayle Salaase siiyay dhul Soomaliland lahayd oo la odhan jiray Hawd iyo Riseef area, waxa todobaatan sanno kadib dhacday in baddii Itoobiya ay ku taamaysayna ay hogaamiyayaasha Soomaalilaan gacantooda ugu saxeexeen oo ay siiyeen, iyaga oo aan isweydiin saamaynta ay mustaqbalka yeelan karto arrintan uu ka gaws adaygay Madaxweeyne Geelle.

Gebogabo

Korodhka dhaqaalaha iyo danahan isdiidan ee dalalka leh awoodaha ciidan iyo kuwa dhaqaale ayaa mar walba sii kordhinaya muhiimadda marinkan Badda Cas – taas oo bogcad istaraatiji ah ka dhigaysa Dekedda Berbera. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in Soomaaliland siyaasaddeeda arrimaha dibadda ay si balaadhan dib ugu eegto, cidkasta oo dan ka yeelatana ay u diyaar garowdo inay iyana danaheeda dhaqaale iyo siyaasadeed si buuxda uga fushato. Taas waxaa barbarsocda in ay ka foojignaato heshiisyada dhagaraha xambaarsan ee lagaga faa’iidaysanayo cidhiidhiga dhaqaale iyo ka siyaasadeed ee waddanka ka jira. Sidoo kale, waa in heshiisyada la gelayaa noqdaan kuwo daah-furan oo danta dadka iyo dalku ka muuqdaan. Soomaalilaan waxa ay baahi weyn u qabtaa maalgashiga Imaaraadka, kan Qadar, Ruushka, reer galbeedka, Shiinaha, farsamada casriga ah ee Turkiga yo kuwa kalaba. Isdiidanaanshaha iyo heshiis ahaanshaha dalalkaas aynu soo sheegnay ma ah kuwo u yaalla Soomaaliland, mana aha in Somaliland noqoto waddan u xidhan dal gaar ah ama xulufo kooban, balse waa in ay noqotaa mid u dabran danaheeda.

Qore: Abdinasir Ibrahim Saacadaale.