Diyaarad ay raaci lahaayeen Saraakiil Imaaraat ah oo lagu xayiray Garoonka Boosaaso.

Wararka ka imaanaya garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in garoonkaasi maanta lagu xayiray diyaarad ay raaci lahaayeen Saraakiil Imaaraatka Carabta u dhalatay.

Sida aan Wararka ku helnay ciidamada amaanka garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ayaa xanibay diyaaradan kadib markii saraakiil raaci laheyd ay diideen in la baadho boorsooyin ay wateen.

Diyaaradan ayaa waxaa lagu waday in ay raacaan saraakiil u dhalatay dalka Imaaraatka Carbata oo tababarayay ciidamada maamulka Puntland, waxaana diyaaradan lagu xayiray kadib is maandhaaf soo kala dhax galay ciidamada amaanka iyo saraakiisha Imaaraatka.

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in lagu fasaxo diyaaradan diyaaradan ay raacayaan saraakiisha Imaaraatka, waxaana garoonka Diyaaradaha Boosaaso tagay saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Puntland.

Maamulka Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso iyo maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin xayiraadan la saaray diyaarada lagu waday in garoonka Diyaaradaha Kismaayo ka qaado Saraakiil Imaaraat ah.

Arintan ayaa kusoo aadeysa xili ay sii xoogeesaneyso xiisada u dhaxeysa dowlada Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta, waxaana isbuucii hore garoonka Aadan Cadde lagu qabtay 10-Malyan oo Doolar oo saraakiil Imaaraat ah ku wateen boorsooyin.

WARARKA KALE WAXAY INTAA KU DARAYAAN

Saraakiil Milatari oo u dhashay Imaaraadka iyo Boorsooyin ay wateen ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaarada Magaalada Boosaaso kaddib is faham waa dhexmaray Puntland iyo Imaaraadka.
Dowladda Imaaraadka ayaa maamulka Puntland ku amartay in ay iska diiddo go’aanka dowladda Federaalka ah ee Ciidamada ay tababartay Imaaraadka kula wareegeyso dowladda Federaalka ah,waxaana ay saraakiisha Imaaraadka la kulmeen mas’uuliyiinta Puntland kuwaas oo ka dalbaday in shirka Golaha wasiirrada ee Khamiistii la soo dhaafay ay Puntland ka sheegto go’aankeeda ka dhanka ah dowladda Federaalka ah.
Markii ay Khamiistii kulmeen Golaha Wasiirrada Puntland waxaa dhacday in Wasiirrada u codeeyay in la diido go’aanka Imaaraadka ay bateen,islamarkaana ay isku raaceen in ay ku mowqif yihiin Dowladda Federaalka ah oo todobaadkii hore sheegtay in ay la wareegeyso Ciidamada ay tababareen Imaaraadka.

Intaas kaddib Tababarayaasha Imaaraadka ayaa go’aan ku gaadhay in ay maanta isaga baxaan Puntland,waxaana maanta iyaga oo isku dayay in ay agabkooda kala dhoofaan Garoonka Boosaaso ka hor istaagay Ciidanka Amaanka Garoonka.
Markii ay timid Diyaaradda qaadi lahayd Saraakiisha Imaaraadka ayaa waxaa ay ciidamada dalbadeen in ay baadhaan buuq arrintaas ka dhashay ayaa sababay dib u dhac uu ku yimaado safarka hayeeshee ugu dambeyn la fasaxay saraakiishii iyo Boorsooyinkii ay wateen.
Puntland ayaa diidday in saraakiisha Imaaraadka ee tababarayay Ciidanka Badda Puntland ay qaataan Garaawida aan Rasaasta Karin ee Bulet Proof-ta loo yaqaan,Sanaadiiq Rasaas ah iyo Saanad kale oo Milatari,waxaana Markab ay Imaaraadka keensatay oo ay dooneysay in ay agabkaas ku qaadato uu wali ku suganyahay Xeebaha Puntland.