DAAWO ; Fadeexadda kale, Goob Ay Ku Sugnaayeen Maamulka Somaliland Oo Masuul ka Socday Dawlada Emaaraadka Carabtu Ku Cadeeyay In Berbera tahay Jamhuuriydda Soomaalia.

Masuuliyiin ka Socday Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ayaa Xadhiga ka jaray kawaan Xoolaha Lagu Qali doono oo Berbera laga dhisay, Isla markaana ay maalgalisay Dawlada Emaraadka Carabtu  gaar ahaan Khaliifa

Masuulka ka socday Dawlada Emaraadka ayaa sheegay In ay Mashruucan ka fuliyeen Jamhuuriyada Soomaaliya gaar ahaan Magaalada berbera xili ay  Goob joog Ahaayeen Wasiirku xigeen Wasaarada Xanaanada xoolaha ,Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha Jsl iyo Masuuliyiinta Gobolka Saaxil.

 

Arintan ayaa ku soo Beegmaysa xili ay Maamulka Hargeysa ka jwaaabi kari Laada,ay Hadal kasoo yeedhay Wasiirul dawlaha Wasaarada Arimaha dibada ee Dawlada Emaraadka Carabta  Oo ka dhawaajiyay in aanay gabi ahaanba Somaliland wax macaamil ahi dhexmarin balse ay Soomaaliya la macaamilaan wixii ay ka Qabanayaan Gudaha Somaliland Ay ku fuliyaan Ogolaasho madaxda Soomaaliyaay ka haystaan.