Kacdoonkii Dib u Curashoo diid oo Maanta Magaalada Biki ka soo Daahiray.

 

Kacdoonkii iyo Gadoodkii dadwaynaha Gobolka Sitti oo Dagmooyin Hor Leh Kufiday.

Wararka naga soo gaadhaya Dagmada Biki ee  Gobolka Siti ayaa sheegaya in kacdoonkii dulmi diid ee Gobolka Siti ee Soomaali galbeed uu kufiday dhamaan Dagmooyinka iyo Tuulooyinka Gobolka oo dhan.

Kacdoonkii ugu cuslaa ee dadwaynaha Gobolka Sitti ayaa maanta kadhacay magaalada Biki , waxayna dhalinta reer Biki subixii hore ee maanta bilaabeen dibad bax ay ku diidan yihiin cadaaladda dara qabiliista Cabdi Iley iyo dabadhilifyaddiisu ku hayaan degankoogga waxayna sheegeen sidda ay uu taageersan yihiin dibad baxyaddi maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Dagmada Shiniile ee xarunta gobalka iyo guud ahaanba Sitti.

Dhalin  aad u cadhaysan ayaa usoo baxay wadooyinka magaalada Biki kuwaas oo muujinaayey astaanti ay ku caan baxeen dhalinta Qeero ee Oromadda,

(Sawiro)

 

Sawirka Abdulkadir M Fareh.Sawirka Abdulkadir M Fareh.Sawirka Abdulkadir M Fareh.

 Sawirka Ali Samire Sigad.Sawirka Ali Samire Sigad.Sawirka Ali Samire Sigad.