DIB U XASUUSO MID KA MID AH XASUUQYADII UGU BA’NAA EE KA DHACAY BARIGA AFRIKA(AYSHACA).

 

Xasuuqii ayshaca iyo xodxodashada ethoipia waa laba aan meelwada gelin~

Ayshaca waxay ka mid ahayd goobihii uu ka soo alkumay halgankii ummada Soomaaliyeed ay usoo gashay sidii ay uga xoroobi layd gumaysiga. Waxaa ka dhisnaa ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed (S.Y.L) muddadii udhaxaysay 1943-1960kii

Sanadkii 1960ki markii ay Somalia xoriyada qaadatay dhawr bilod kadib ayay xukumadii xayle silase weerar laxaad leh oo xasuuq ba’an ah ku qaaday dagmada Ayshaca iyadoo loo aanaynayo inay reer Ayshaca taageeren Soomaaliya. Dilkii iyo xasuuqii AYSHACA wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd 12/8/1960 tirada dagmadaa lagu xasuuqay waxaa lasheegaa inay 4kun kor udhaafeen dhimashadana waxa ubadnaa maatida iyadoo maalin qudha lagu waayay magaalo dhan oo daganayd sida hubka culus ee taangiyada loogu hufayay. Xoolihii iyo hantidii dadkana waa ladhacay.

Dadka intii ka badbaaday waxay ku baaheen banka Ayshaca oo lagala daba tagay weerar xaga cirka ah öon wali la arag sidaas baa dhulka loola simay Dagmadii Ayshica iyo dadkii kunoolaa. Weerarkaa intii Alle ka badbaadshay waxay galleen magaaloyinka Cabdiqaadir(oo Somalia ah) iyo Calisabiix oo uu faransiisku guumaysanayay. Dadkii qoxootiga ahaa ee magaalada C/qaadir gaadhay waxaa uyimid oo soo dhaweeyay madaxwaynihii iyo ra’iisul-wasaarihii Soomaaliya.

Dadkii weerarkaa ku madhay waxa markii dambe lafahoogii lagu asturay Meel layidhaa cawra-eeg oo ah cidhifka magaalada Ayshaca.

Sidaa daraadeed waxa la ogsoon yahay dawladihii hore ee Itoobiya waxay xasuuq, dil iyo dhac joogta ah ku hayeen bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka SITTI Waana xasuuqii ugu khasaaraha waynaa uguna caatada kululaa ee ay xukumadii Xayle Silaase soo marisay Soomaalida Ethiopia. Waxaana loogu magac daray GAWDII oo loola jeedo gawdii madaaficda iyo banbooyinka ee ku cusbaa dhagaha shacabka reer Ayshaca.

Xaalad noocee ah bay ku suganyihiin dadkii loo geystay xasuuqan, maxay KU badasheen in ay ka aarsadaan guumaystaha?!!!
Ma jirin qoys ka mid ah ciisaha sitti, haduu jirina gurigiisa tacsibaa laga dhigay, waxay saameysay dhamaan beelweynta cise gar ahaan reer sitti.
Cagajuglayntan maamulka tamarta daran EE dawlad deganka iyo cabudhiska shacabku waxay nasoo xasuusinayaan murugo hore noosoo martay,boogiihii horena way xoqoyaan.
Waxan nahay dad aarsankara,madaxoogana aan hoos udhigin weligood.

Dhamaan dhalinyarada beelweynta cise meelkasta oo ay joogba waxa looga baahanyhay in ay ka qaybqaataan ilaalinta sharafta iyo milgaha beesha,xaqa lagusoo dhicin karo mudaharad haloo mudahardo,xaqa lagusoo ridan Karo qori afkiina halagusoo rito.
Cuqaasha iyo duqayda, dhalinyarada,ganacsatada,aqoonyahanka,culimada,iyo siyaasiyinta oo midkastaba doorkiisa qaato kana soo baxo kaalinta uu bulshada ugu jiro waa wejiga Kelli ah EE kor loogu qaadi karo meeqamka iyo milgaha sitti,looguna quusgoynkaro damaaciga Ina iley.

Qoralka qaybtisa sare waxn kasoo qatay pageka la magacbaxy qaran ciise.

Osman Haniyeh