reer Biki oo noqday Hormoodka kacdoonka lagu diidan yahay Cabdi Iley.

Kacdoonkii dadwaynaha reer Sitti oo maalinba maalinta ka dambaysa faraha kasii baxayaa wararka ugu dambeeyee ee naga soo gaadhi magaalada Biki ayaa waxay sheegayaan in dhalinti dib u curashoo diidka ahayd oo ku xidhnay jeel ku yaal magaalada Biki xalay si xoog ah ay shicib gadoodsan ugala baxeen jeel ku yaal magaalada Biki dhalinta xooga looga saaray ayaa waxaa tiradooda ay gaadhayaan ila 6 wiil oo reer Biki ah.saaka ilaa xalay ayaa magaalada waxaa soo galay ciidamo fara badan oo ka kala socda qaybo kala duwan sidda ciidamadi maati layska ahaa ee Cabdi Iley u samaystay xasuuqa ummadda Soomaaliyeed ee ku nool kililka5aad,(Liyu Bolis)oo garab ka helaaye maleeshiyaa deganka Sitti laga soo xulay oo markii horaa dadka loogu sheegey in ay Oromadda la dagaalami doonaan laakiin maanta losoo adeegsaday in lagu cabudhuyo kacdoonka dhalinta xaq u Dirirka reer Sitti waxaa intaa soo raacay ciidamo kala oo looyaqaan (Makakaliya) oo qayb ka mid ah ciidamada fedaraalka Itoobia waxaana suuqyadda magaalada Biki is baacsan dhalin gadoodsan iyo ciidamadda faraha badan ee lagu soo daadshay magaalada. Kacdoonka oo u socda qaab la moodo in si cilmiyeeysan loo soo agaasimay ayaa si tartiib tartiib ah ugu fiday dhamaan magaalooyinka gobolka sitti wararku waxay inta ku darayaan in degmooyinkii sidda sharci daradda ah loogu daray kililka canfartana ay ka bilaamantay kacdoon iyo gadood lagu diidan yahay maamulka ku sheega fadhiidka ah.

Qaar ka mid aha sawiradda hoos ku lifaaqan waa magaalada Hadhagaala oo ragi masuuliyinta looga dhigey ee ay cabdi Iley isku haybta ahaayeen boob iyo bililiqo kula kacay agbkii yaalay magaalada oo ay rabeen in ay si qarsoodi ah ugu iibgeeyaan magaalada Dir-dhaba sidda aad sawiradda ku arkaysaan waa shicibkii reer Hadhagaala oo soo qabtay tuugti agabka la baxsanaysay.

L’image contient peut-être : une personne ou plus et plein air