Sitti ilaa Jigjiga Shalay iyo Maanta

 

Waarakii ugu dambeeyay

1- Waxaa wali xidhan oo la la’yahay caruurtii dugsiga shinniile wax ka baranaysay oo tiradooda lagu qiyaaasay 16
2- Miig Bile oo ku magacaaban madaxa xafiiska Sportiga ahna afahayeenka xukuumada uu ku hor kaadjo ina ilay ayaa shalayto ilaa maanta baryo aan kala joogsi lahayn iyo ergo ku waday Ugaaska Beesha Ciise Ugaas Mustafe xafidahu llaah inuu kala soo qayb galo shir lagu dejinayo shacabka degmada Shinnile, ugaaska iyo dhammaan odayaashuba waa ka diideen taas iyadoo jawaabta kaliya ee lasiiyay ay tahay Caruurtii aad xidh-xidhay adigu halkaad gaysay ka keen, ninkii kusoo dirsaday ugu yeedh dadka ha dejiyee oo ha u yeelo waxay rabaane
3- Waxaa dhammaanba la la’yahay shaqaalihii dawlada ee dib u curashada ku yimid guud ahaan gobolka, waxay ku sugan yhiin kuwa ugu sokeeyaa Dire Dhaba, waxaa cabsi iyo warwar ku abuuray kacedoonka sida lama filaan ka ah uga qarxay gobolka Sitti
4- Miig ayaa saaka shir uu ku qabtay meel geed hoostii ah oo shiniile ku taal ku celiyay in ururka SRAJ uu ka danbeeyo rabshadaha soconaya, isagoo xalay oo dhan mashquul ku ahaa inuu soo dejiyo/down load gareeyo videos uu ururku waraysiyo ku bixiyay, markuu dhegaysiiyay odayo meesha iskugu yimidna u sheegay inay tilmaamaan inaanu Maxamed Ismaaciil ahayn ciise kkkk ee uu yahay nin lashaqaysta OMN iyo Jawar Mohamed, Wuxuu odayada ka codsanayay inay I aflagaadeeyaan iyo inay banaan bax sameeyaan lanagaga soo horjeedo, habase ahaatee taasina ma aanay socon oo may shaqayn. Waxaad ogaataa in shacabku su’aalo qabaan una baahan yihiin in looga jawaabo, waa caqli darro inaad kolba gidaar iyo meel aan jirin dadka u tilmaanto, shacabkii waa kula joogaan waadna ogtahay waxay tabanayaan waa haddaad xal doon tahay
5- Jijiga waxaa kasoo muuqda GUUX fara badan taasoo sababtay in ciidamo badan lasoogaliyo magaaalada saakana suuqyada lagu arko
6- Waxaa ayaguna guux kaas ka badan muujiyay degmada Awbare oo ayaguna ka gaws qabsaday dib u curashada, taasoo markii danbe keentay in Cabdi Iley u baqoolo xaggaa iyo Awbare. Wararka nagasoo gaadhaya Awbare yaa shaagaya inay dadku ku tashanayaan inay gabi ahaanba ka go’aan kililka intuu xaal sidan yahay

BAAQ

1- Waxaan si sharafle uga codsanayaa shacabka reer Sitti ee sharafta leh in aan wax dhibaato ah loo geysan wiilasha iyo gabdhaha ku yimiday gobolka nidaamka dib u curashada, xaqiiqdu waa nidaamka dib u curashada oo shaqayn waayay isla markaana ku dhisan dulmi iyo boob ay ugu talo galeen dadka maamulka jijiga ka arrimiya. Macnuhu waa shaqaalaha khaladkooda maahan ee waa khalad nidaamku la yimid(systemic error)
2- Waxaan ugu baaqaya Miig Bile inuu xabsigii uu geliyay carruurtii shinniile kasoo daayo sida ugu dhaqsaha badan, asagaa garanaya halkay ku sugan yihiin, shacabku waakaa warqabaan inaad iskudayayso inaad cabsi geliso, laakiin reer Shinniile sidaas maahan. Waana lagaa warqabaa inaad ku jirto liiska danbiilayaashii hurinayay colaadii Soomaalida iyo oromoda wax la iska dhaafayana majirto hadduu cabdi iley kuu sheegay in lagu badbaadinayo haddaad waxyaabaha qaar ku kacdo
3- Waxaan guud ahaan ugu baaqayaa Deegaanka Soomaalida inay taageeraan kacdoonka shacabka ee ka billaabmay Sitti, cabsidii xilligeedii waalaga soo gudbay, kor haloo hadlo, …..