Kacdoonka Barbaartay iyo warar Goos-Goos ah.

waxaa dhammaanba la siidaayay xalay dhallintii ku xidhnayd degmada ayshaca inkastoo wali lawada xaqiijin ,Karin Inay wax hadheen iyo in kalee.
waxaa saaka kusoo wajahan magaalada shinniile lahaystayaashii Cabdi xakiim cigaal iyo Xamdi Aadan Cabdi iyo shakhsiyaad lasocda oo reer Sitti u badan  waxay keenayaan dhallintii jigjiga Ku xidhnayd si ay ugu sasabaan dhalinta barbaartaxaqdoonka ah Inay u adoonsanaadaan dulmiga Ina iileey
waxay Ku ballansanyihiin dhallinta barbaart shinniile Inuu Hal qofna utagi doonin raggaa la soo adeegsanaayo , ay kacdoonkana halkiisi kasii wadi doonaan
waxaa xalay dib loo xidhay dhawr ka mid ah dhallinta xaqdoonka ah ee degmada hadhagala
Waxayna kala yihiin magacdoodu sidatan

1- Rashiid muuse shire waa gudomiyaha qabalaha 01 ee deg/hadhagala
2 – cawe Ciise Riiraash gudoomiyaha golaha federationka ee deg/hadhagala
3 – carab waaa madaxa xafiiska maleeshiyada deg/ hadhagala
4 – idris maxamuud qumane waa dhalinyar
-waxaa wali Ku xidhan magaalada Biki dhalintii xaqdoonka nabadaysan wadday oon Soo gudbin doono magacda iyo tiradoodaba
-waxaa cabasho iyo qaylo badan kasoo yeedhaysaa Ina iileey oo doonayo inuu Maalmaha Soo socdo Ugaaska iyo xaqdoonka Gobolka Sitti sasabasho ugu yimaado.

Geesta kalee

 

waxaa lagu xidhay magaalada Biki Aabo Xaaji Axmed xaaskiisi iyo laba caruur ah ay dhaleen sababta loo xidhay ayaa ah , kadib markay Gabadh kutimid maamulka dib ucurashada oo guriga qayb kamid ah ka deganayd ay ku eedaysay Inay dilayaan ay ka cabsootay. Lama hayo wax caddayn u ah lkn waxay qayb ka tahay dulmiga naafeeyay Bulshada, waxaana damiir xumo ah in Qof martinimo loogusoo dhaweeyay guriga ay xaqdarro kuxidho iyagii ,
– waxa wali si xaqdarro ah uxidhan dhalintii xaqdoonka ahayd we magaalada Biki .
Waakuwan magacdooda iyo tiradoodaba12qof 1,faysal muumin kulmiye 2, Ismaaciil aare 3,nimcaan maxamed ducaale 4,C/samad muuse Libaax 5;.fadxi suge Faarax 6.mime xummad hiraab 7.suge geesaale miige 8.maxamed Cali muuse 9. cadoosh c/lahi cabdale 10.saddiiq xusseen oda 11.mukhtaar showga 12.Cali wacays cabdi
Waxay wali kujiraan xabsiga magaalada Biki shacabka magaalada oo aad uga xumaaday beenta iyo khiyaanada ay ula yimaadeen gudigii loosoo diray uu horkacaayay wiilka iyaga ka dhashay (Xasan Daahir)ay wiilkoogii ahaan u Ixtiraameen sida uu xadhig iyo dulmi ugu daayay dhalinta walaalihiii ah
Waxay bulshadu wacad ku martay haddii si dhaqso ah loo siin waayo xorriyaddooda dhalinta xaqdoonka ah inay arrintu faraha kabixi doonto waxa ka dhacana ay masuuliyaddeeda leeyihiin raggii lasoo diray iyo maamulka degmada ee Daalimka ah