Qayb ka mid ah Faddeexaddaha dul Hagoogan dadka masuuliyinta ku yimid Hanaanka la Inkaaray ee Dib u Curashadda.

Ninkan waa Gudoomiyaha degmada  Biki magiciisu waa Axmed Maxamed wuxuu ku yimid hanaanka dib ucurasho , waa Nin dhallinyar ah magac wanaagsan ee (Axmed ) sita laakiin aad u damiir liita oo boob iyo addoonsiga ku barta Bulshada degmada Biki ee xalaal maalka ah, wuxuu shalay Shir u qabtay shaqaalaha wuxuuna u sheegay
1-inuu xidhi doono qofka kasta oo barta Facebooka lagu arko,
2-inuu 23% kiiba qassab kaga jari doono mishaarkooga isagoo sheegay in biya-xidheenka abbay lagu maal galin doonoo ,
3-waxaa u adeega basaasiin fara badan,kuwa yar yar oo magaalada Dire- Dawa hadda ku sugan iyo qaar waawayn oo Biki jooga una dhashay degmadda.

(Hadday xishoon waayaan waan Soo gubinayna iyagana magacdoodda iyo sawiradoodda)
4-wuxuu lacago farabadan siiyay nin kamid ah ragga maamulo ciidanka federaalka ee Biki ku sugan oo magaciisa Maxamed la yidhaahdo si uu u xidhxidho dhalinta uguna sheegaa federaalka.

Axmed Maxamed tallaabo walba iyo dulmi walba oo uu ka gaysto degmada Biki way qorantahay , sharci darro haddaad ku dhaqmaysi adaa ka qoomamayn doona waxa kaa raaco adiga iyo inta kula boobi ba, sida ugu dhaqsaha badan usiidaa dhalinta, dulmigana kala tag shacabka, uu Ina iileey kuusoo dirtay.

Dhacdooyinka faddeexada xambaarsan ee lagu xasuusto masuul ku sheegan waxaa ka mid ahayd dhacdo mar horaa ka dhacday degmadda Biki, markii oo xoogga u socday kacdoonkii Oromadda ayay Oromaddu dhacday geel ay lahaayeen shacabka reer Biki shacabkii waxay ku dacwoodeen ciidamadda Feedaraalka ee ku sugan duleedka magaalada Biki waxayna uu sheegeen  in la dhacay geel, waxayna digniin kama dambays  ah u sheegeen u direen ciidamadda feedaraalka ka dibna sarkaalkii ciidamadda haysta ayaa beesha reer Biki ka dalbay in ay qoraal ahaan ku soo gudbiyaan xog ku saabsan geela la dhacay, mar kaleena u yimaadaan iyagoo wada socda gudoomiyaha degmadda(Ahmed)

Wakhtigii la gaadhay balanti ay shacabka reer Biki iyo gudoomiyaha degmaddu la lahaayeen sarkaalka ayaa waxaa soo if baxday in gudoomihu soo qorin xogti ku saabsanayd geel ay oromaddu dhacday sabatuna waxay noqotay gudoomiyaha oo waxna akhrin waxna qorin marka laga reebo in uu af Soomaali ku hadli karo.