Wararka Kacdoonkii barbaarta Sitti.

waxaa maanta  qasriga Ugaaska kulan ku yeeshay  wax Yar duhur hortii, Odayaasha Gobolka Sitti uu hormood ka yahay Macalin Cabdillahi xaamud iyo Ugaas Mustafa iyo Lahaystayaal reer Sitti ah oo magaalada jigjiga laga soo afuufay oo ay  hormood ay ka yihiin C/xakiim cigaal, Cali Cumar , Naasir Xasan , Xasan Daahir Gudoomiyaha Dirir-dhaba iyo qaar kaloo badan oo u dhashay Gobolka Sitti kana tirsan maamulka Dirir-dhaba iyo ka Deegaankaba , Shirka iyo ujeedada ay usocdeen intay galin ba waxay dhalinta barbaartu  waydiisay suaal ah “

Aaway dhalintii jigjiga Ku xidhnayd ee waan Soo wadnaa aad lahaydeen ?


Waxay Ku jawaabeen waala Soo wadaa oo Wala keeniye ee aan heshiino si aan udejino xaaladda Gobolka, waxaa loogu jawaabay hadal nooma yaalo ee iska laama , kadib markay Ku hungoobeen shirkii ayay odoyaasha la qaateen,

 Ayay mar kale isku dayeen Inay baabuurti ay wateen ku qaadaan si ay  magaalada shinniile oo ay kuraas kun kabadan iyo qado kusii diyaarsateen  geeyaan balse waxa jawaab looga dhigay (guryahayagaba qado waa lagu kariyay ,) xattaa baabuur toodi Inay raacaan way diideen odayadii oo lug bay iskaga tegeen xaafadahoogii  magaalada Dirir-dhaba.

Sababta ay dhallinta ukeeni waayeen ayaa loo badinayaa in ay jidh dil iyo dhaawac ugaysteen ay sugayaan intay bogsanayaan naburadu.

U jeedada  ay qado iyo kuraas kun kabadan ugu diyaarsadeen magaalada shinniile na wuxuu ahaa qorshohoogu Inay Odayaaha iyo Ugaas ka iyo iyaguba meel Ku Wala qadeeyaan , kaameeradna iska wada duubtaan iyagoo ku sheekayni  in arrinti kacdoonka la soo af jaray  dadkii Gobolka Sitti Aabo, hooyo ,yar,wayn iyo siyaasiyiin ba dhamaan heshiiyeen wax walba kacdoonkiina sidda ku joogsaday

Hasayeeshee ujeedada way ku fashilmeen oo kulankii waa lagu kala dareeray.

 

(Waa sawiradii Shirkii oo lagu Kala kacay)