Kacdoonka Barbaarta Sitti iyo Warar Goos-Goos ah.

saacadda imika waxaa Ku sugan magaalada hadhagala Miig bile iyo Naasir Xasan iyo Cabdi cige , waxaa gudaha loogu jiraa iyaga iyo odyihiiba jeelka ay ku xishanyihiin 5 tii dhallinta xaqdoonka ahayd ee la xidhay, waxaa lagu guda jiraa siidayntooda
Dhanka kale waxaa Saacadan imika lajoogo waxaa degmada Hadhagala ka bilaamayo shir ay yeelanayaan odayaasha magaalada iyo raggii sabasabista iyo kalajebinta dadkooga loosoo diray oo kala ah Naasiir Xasan iyo miig bile iyo cabdi cige ,
-ogaada hadafkeenu maaha dhallin lasiidaayo oo kaliya ee waa xaqqa Gobolkeena oon gacanteena kusoo ceshanno , waan sii labajibaaraynaa kacdoonka nabadaysan.

—————————————————————————————

Sida sawirka ka muuqdo waa xabsiga magaalada hadhagala agtiisa , waa dhallinta xidhan eheladoodii oo usido qureec , waxaa meel jeelka ka sokayso kaga horyimid Nika dirayska buluugga ah xidhan ee gaadhiga agtiisa kaga qaadaayo hooyooyin ka cuntadii ay sideen , sababtoo ah looma ogolo Inay arkaan caruurtooda xaqdarrada kuxidhan.

Waana habka loola dhaqmaayo dhammaan dhalinta kuxidhan Biki iyo hadhagala oo si xoog ah looga baqaayo awooddooda .

Dib ucurasho iyo dulmigu waa gabagabo kacdoonku ha socdo
# sii faafiya dulmiga Hala qaawiyo

L’image contient peut-être : arbre, maison, ciel et plein air
———————————————————————————–
Waxay warar sugan nagusoo gaadhayaan in lahaytsayaasha udhashay Gobolka Sitti ay kamid yihiin miig bile iyo rashiid jaamac oo Ku magacaaban hoggaanka nabadgelyada ee Gobolka Sitti/shinniile Inay maanta lasoo kalleheen lacag dhan 1,300,000 birr si’ay odyaha hadhagala iyo dhalinta qaar kamida ay ugu laaluushaan si kacdoonka loo joojiyo balse taasna go’aan cad bay kawada qaateen dhalinta iyo odyaha degmada hadhagala oo ay Kusoo wajahanyihiin .
Guushuu maantay israaci ee meel walba si nabadaysan uga bilaabay Kacdoonka . Beenta iyo lacagaha ay qaybinayaana maaha mid damiirkeena ay ku iibsan karaan horay ugu fashilmeen .
—————————————————————————————-

Degdeg : waxaa jeelka degmada Hadhagala laga siidaayay 4kamid ah dhalinttii xaqdarrada kuxidhnayd , waxaa jeelka lagu reebay mid kamid ah dhalinta oo la yidhaahdo Carab , waxay ku marmarsiiyoodeen Inay duhurka soodayn doonaan ay la sheekaysan doonaan .
Waxay ubadantahay Inay sasabasho iyo cabsigelin kudayi doonaan si uu uga tanaasulo xaqdoonka uu kujiro, dhammaan dhallinta Gobolka Sitti way Soo bixi doonaan ee halagu adkaado hadafkii ahaa Soo celinta xaqeen


Kuwani waa qaar ka mid ah dullaysanayaasha cabdi iileey ula baxay liyuu police uu Ku addoonsado Bulshada Deegaanka oodhan ,waxay fadhiyaan darbiyada magalaada Hadhagaala iyagoo qofkii soo maraba siggaar iyo wax la cuno waydiisanaayo.

L’image contient peut-être : plante et plein air
————————————————————————————
Waxaa wali la ogayn meel ay kusuganyihiin aabayaashii Saddex maalmood kahor lagasoo afduubay magaalada Biki, waa Geesaale buuxcali iyo Ismaaciil sabcakitaab , oo ilaa hadda la ogayn Inay noolyihiin iyo inkale sidoo kale waxaa wali Ku xidhan oo si addoonsi ah loola dhaqamayaa dhalinta kuxidhan jeelka Biki
Waxaan digniin Kama dambays ah udiraynaa Cabdi iileey iyo kuwa uu addoonsiga usoo dirtay ee Ku sugan Gobolka Sitti – Biki – inay si dhaqso ah usiidaayaan dhallinta xidhan, labada aabo ay afduubeenna Inay keenaan Guryohoogii ,
Intaa ka badan looma dulqaadan Karo tacaddiga iyo addoonsiga adag , xaaladdu farahay ka bixi doontaa , Hala ogaado.
Soo Ururinta iyo isku daba ridkii ;Wariye Laba,Doon