Kacdoonka gobolka sitti waxa UU gundhig u yahay sinaan iyo cadaalad ka hanaqaada dawlad deganka Soomaalida Itoobia.

 

 

Sidaad lawada socoteenba gobolka sitti(ex shinile), waxa beryihii u dambeeyay ka socday kacdoono dhalinyaradu hormuud ka yihiin oo lagaga Soo horjeedo waxa loogu yeedho dibucurashada.kacdoono salmi ah oo an wax hanti iyo naf ah waxyeelo la gaadhsiin ayaa ka socday guud ahaan deegamadaas hoos yimaada gobolka sitti.

Dhalinyaro iskood isku abaabulay oo KU dhawaaqaya ereyo ay ka mid yihiin “ dooni mayno dib u curasho iyo cabdi iley ha dhaco“ ayaa albaabada u laabay dhamaan xafiisyadii ay KU hawlgalayeen maamulka gobolkaas, sidooklena hakad geliyey habsami u socodkii shaqoyinka masuliyinta deegaanka loo Soo magacaabay.

Dadkan gadoodsan , waxyabaaha ay ka cabanayaan waxa ka mid ah dib u dhaca weyn oo ku yimiday horumarka gobolka intii uu xilka hayay cabdi maxmuud cumar, sida hoos udhac dhanka arimaha bulshada ah sida,waxbarashada,caafimaadka,iyo aasaasiyadka kle ee bulshadaba. Waxa Soo raaca cabudhinta shacabka,musuqmaasuqa ay ku kacaan masuliyinta gobolka,boobka hantida dadweynaha oo aan loo aabo yeelin,leexsashada ilihii dhaqalaha ee gobolka, dhaqaaalaha iyo waxsoosaarka kasoo baxa oo uu ka qatanyahay gobolku,xadhig ,cabudhin iyo tacdiyo kale oo farabadan.
Shacabka gobolka sitti oo ah shacab ay astaan u tahay,gobomimada,dulqaadka,nabadjaceylka iyo kala dambeynta ayaa ka dhiidhiyey maamulxumadan xadhkaha goosatey ee aan loo meeldayin.

Ujeedoyinka kacdoonka dhalinyaradu wado waa mid leh ahdaaf cadcad oo ah in la rumeeyo,waxana ka mid ah in meesha laga saaro nidaamka loogu yeedho dib u curashada oo ah nidaam naasnuujin ah oo la isku dul noolaanayo, in dhaqaalaha gobolka kasoo xerooda isla gobolka dib loogu celiyo oo waxlaga qabto horumarintiisa,in la joojiyo cabudhinta, cagajuglaynta,iyo xadhiga aan loo meel dayin ee lagu hayo shacabka,in dhamaan shaqaalaha dawlada ee gobolka ay noqdaan kuwo kasoo jeeda gobolka,in policeka gobolka uu noqdo mid lagasoo qoray Isla gobolka, in la dhiso wadooyinka isku xidha gobolka magaaloyinkiisa,in gobolka sitti uu noqdo mid meeqaam sare oo siyaasadeed iyo dhaqale KU leh guud ahaan dawlad deganka iyo qodobo kale.

Marka laga yimaado gobolka sitti,guud ahaan shacabka somalida ethoipia ayaa ah kuwo la ildaran maamul xumada cabdi iley,xadhiga,xasuuqa,kufsiga iyo hantida la baabi’iyey EE ay gaystaan ciidamada liyuu policeka ayaa ah mid jaahwarer ku riday shacabka masaakinta ah ee dawlad deganka guud ahaantii,dadkan ayaa noqday kuwo afkoodu juuqda gabay markii kooda dawlada hadal KU celiya la dilo ama la xidho.
Si kastaba ahaatee kacdoonkan ay dhalinyarada sitti hormuudka noqdeen ayaa rajo ku beeray guud ahaa shacabka dawlad deganka, waxa ayna u arkaan waqtigii ugu habooneyd EE la iska dulqaadi lahaa Ina iley iyo xukumadisa.

Markasta oo rabshadaha iyo kacdoonadu sii xoogeystaan waxa yaraaneysa rajada uu kusii joogi Karo ina iley,isaga oo KU dhaw in uu xilka KU waayo, shacabku kacdoonka way wadayaan ilaa cabashadooda waxlaga qabanayo Ina ileyna meesha dhaafayo.

#haguulaysto_kacdoonka_aragtida_wanaagsan KU dhisan EE dhalinyarada gobolka sitti.

W/Q Osman haniyeh