Dr. Abiy Ahmed Ali Oo Socdaalkiisa Ugu Horeeyay Ku Tagay Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti

 

Ra’isal wasaaraha dawladda Itoobiya Dr Abiy Axmed Cali ayay maanta bookhasho rasmi ah oo laba cisho ah uga bilaamaysa dalka Jabuuti. Waa socdaalkiisii u horeeyay ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo tan iyo markii xilka loo caleemo saaray horraantii bishan. Waxa uu hore socdaallo ugu soo maray dawlad degaannada dalkiisa oo kilalka Soomaalidu ugu horeeyo.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Fana oo fadhigeedu yahay Itoobiya waxa uu Dr Abiy la kulmi doona madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadli doono xidhiidhka labada dal ee taariikhiga ah iyo xidhiidhka labada bulsho.
Dawladda Itoobiya ayaa si buuxda ugu tiirsan dekedda dawladda Jabuuti oo ay waxyaabaha dhoofaya iyo waxa soo degayaba u isticmaasho.
Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan qayb ka noqotay maamulka dekedda Berbera waxaana la filaya in ay noqoto macmiil weyn oo dekedda isticmaala.

Dadka Siyaasada dalka Ethiopia lafa gura ayaa waxay sheegayaan in booqashadda tahay mid la soo dadajiyeey sababta keentayna ay tahay qulqulaatooyinka iyo rabshaddaha ka socda Gobolka Sitti iyadoo la wada ogsoon yahay in dadka reer Jabuuti iyo Sitti ay yihiin dad iyo shacab wada dhashay.

(Hoos ka Daawo sawiirdda)

L’image contient peut-être : 5 personnes, personnes debout et costume

L’image contient peut-être : une personne ou plus, personnes debout, costume et plein air

L’image contient peut-être : 1 personne, debout