Natiijada shirka Jabuuti horteed bahdilka iyo sharaf dhaca  na dilay!!

 

Waxaa ku maqan dalka Jabuuti wafti heer federaal ah iyo mid heer Deegaan ba ah , hadaba waxaa kamid ah bahdilaadda uu ku sameeyay Ina iileey raga Gobolka Sitti Inay matalaan ku magacaaban ee aadka unaqan
1-Xamdi Aden dheere oo ah Nin dhallinyar ah oo loo magacaabay madaxweyne kuxigeen iyo wasiirka Caafimaad ka iyaa isaga lagaga tegay magaalada Dirir-dhaba , waana bahdilka Cabdi iileey kusameeyo kuwa inay na matalaan aan uhaysanno uu isagu magacawdo.


2-Naasir Xassan waa xubin golaha dhexe , sharci ahaanna inuu xil wasaaradeed qabto ayay ahayd , lkn isagoo gola dhexe ah baa ilaa hadda la hayn meel uu kumagacaaban yahay , waa bahdilka ufiirsashada ubaahan.


3-C/xakiim cigaal waxaa laga qaaday xilkii uu Ku magacaabnaa. Ee madaxweyne kuxigeenka aha , waxaa loo wareejiyay xafiis horawmarineed lagu sheegay , lkn suaasha waxay tahay, isagoo madaxweyne iyo kuxigeen midna ahayn sharci ahaan siday sax kutahay inuu Ina iileey waftigiisa raaco isagoo waliba aan ognahay inuu Gobolka ka awood ku xadgudub dadkii uu matali lahaa masiirkooga.

Ugu dambayn annaga oo midkoodna aflagaado shakhsi iyo mid ehel ahaanba ugaysanaynin , waxaa halkaa inooga cad raggan aan uhaysanno Inay noolyihiin ay anaga uun na cadaadiyaan , Inay yihiin rag aan hadal kusoo celin Karin Cabdi iileey oo cabsi iyo laaluushka uun ku qabaan una daba socdaan
Rag sharaftooda iyo karaamaddoodu halkaa joogto Inay Bulshada Gobolka karaamad iyo xaquuq u ilaaliyaan in laga sugo iyaa dembi ah.

Aragtida ku aaddan ficilkooga way furantahay , wixii aflagaado shakhsi ahna ma bannaano sharafteena maaha.

L’image contient peut-être : 1 personne, sourit, assis
1.Xamdi Abdi Aden
L’image contient peut-être : 1 personne, assis et gros plan
2.Naasir Hassan
L’image contient peut-être : 1 personne, assis
3.Abdi Xakim
Wariye;Labadoon.