Gadoodka Barbaarta Sitti wali waa Halkeegi

Faddeexad iyo been cad oo ay kooxddi Cabdi Iley ku soo malmaluuqeen duleedka magaalada Shiniile ee Gobolka Sitti waxay ay ugu yeedheen banaan bax lagu dalbanaayey hananka beeleedka uu cabdi Iley ugu magac daray (DIB-U- CURASHADA) ayaa waxaa ka soo shaacbaxday ceeb iyo yax-yax ka dib markay waayeen dad usoo baxaa oo ku nool magaalada Shiniile waxay keeneen sidda Sawiradda ka muuqauta baabuur waa wayn oo ay ka buuxaan dad laga keenay gobolada kale ee kililka Soomaalida halka dadka qaarna soo wariyeen in ay dadka meesha la keenay u badnaayeen maleeshiyadda loo yaqaan Liyu Poliska oo dhar shicib loo soo wada xidhay.

Ugu yara 4 baabuur oo waawayn oo aha kuwa rakaabka qaada ayaa ka muuqda sawirradda goobta waa markii labaad ee kooxdda cabdi Iley kaba qaad u ah ay ku fashilmeen Todobaadkii hora ayay ahayd markii lagu diiday caasuumad ay uga dan lahaayeen in ay ka duubtaan sawirro dad ugu yeedheen casuumad lagu qabtay isla magaalada Shiniile hasayeeshee loogu jawaabay xaafaddahayagabba qada lagu kariyey halkiina looga dareeray.