Ciidamo katirsan booliiska Soomaalia oo tababar loogu soo xidhay dalka Jabuuti (Daawo Sawirada)

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa tababar mudo sadex bilood ah uu socday waxaa loogu soo xidhay dalka Jabuuti, waxaana munaasabada xidhitaanka tababarkan ka qeyb galay saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Hoggaanka Baadhista dambiyada ee C.I.D oo ka qeyb galay munaasabada tababarka loogu soo xidhayay ciidanka booliiska ayaa uga mahad celiyay dowlada Jabuuti taageerada ay siiso ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Ciidamadan booliiska Soomaaliya katirsan ee tababarka loo soo xidhay ayaa soo bandhigay gaardo ka ciyaar , waxaana goobta gaardo ka ciyaarka ciidanka kusoo bandhigayeen ku sugnaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan dowlada Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa kamid ah dalalka sida weyn uga taageera dowlada Soomaaliya tababarida ciidanka gaar ahaan booliiska, waxaana horey dalkaasi loogu soo tababaray saraakiil iyo ciidamo badan.