Kacdoonkii ugu balaadhnaa ee Barbaarta Sitti oo maanta Magaalada Diri-dhaba ka dhacay.

Wararka war baahinta(XeerNews24) ee gudaha Gobolka Sitti uga imanaya waxay sheegayaan kacdoonu culculus oo maanta ka dhacay gobolka Sitti ay dib uga bilowday waxayna mudaharaadyadaaasi ka socdaan magaalooyinak Diridhaba & Biki oo ay dadweyne aad u badan salaadii mucaha kadib isugu soo bexeen, dadka muadharaadaya oo waxaa Cabdi Iley ugu yeedhay DIB U CURASHADA ka gadoodsanaa ayaa aad walaac  iyo walwal ugu riday Cabdi Iley waxaa hogaaminaya dhalinyaro waxayna ku dhawaaqayeen ereyo kulkulul oo muujinaya in aysan aamusaynin inta uu dulmiga & cadaadiska Cabdi Iley jiro.

Kacdoon wadayaashu waxay Siteen boodhadh waawayn oo ay ku qoranyihiin weedho Cabdi Iley sida waranka ugu dhacaya waxaana ereyada dhalinayradu ku dhawaaqayeen ka walaacay dabadhilifyu u dhashay Gobolka Sitti oo  macangagya ah & adeegeyaashiisa u dulaysan ee wakhtigoodii gabagabada yahay, kacdoonkan oo aad u soo xoogaysanaya ayaa la sheegayaa inuu gobolada kale ee Soomaali Galbeed ku faafayo dareen dhiiranaan xambaarsana shacabku ay muujinayaan.

  

Gobolada Liibaan & Faafan ayaa iyagana xumadda kacdoonka laga dareemayaa waxaana la sheegayaa dad uu Cabdi Iley goboladaas ku xidhxidhay si dareenka adoonsi diidka ah loo damiyo  balse waxaa la gaadhay xilligii ay shacabka Soomaalida Galbeed kacdoon wadar ah samayn lahaayeen, dhanka kale xaalada cakiran ee guud ahaan  haysata ayaa ka sii dayasa waxaana halkoodii ka socada kacdoonada ay Oromadu hogaaminayaan oo Tigreega culays xoogan ku haya dhamaan hawlaha dawlada dhexena saamayn balaadhan ku yeeshay.

 

Isku soo wada duuboo guud ahaan shucuubta Tigreega Ethiopia ee sii cadceedsanaya ku hoos dulman ayaa dareen isku mid ah qaba waxaana socda abaabulo lagu doonayo in lagu xoojiyo kacdoonada Tigreega ka dhanka ah,  shacabka Soomaalida Galbeed oo hada mudahaaraadyadoodu carcar leeyihiin waxaan rajaynaynaa inay xoojiyaan dibad baxyada nabad galyada ah oo ay ku muujiyaan diidmada dulmiga & xaqdarada mudada dheer Soomaali galbeed ka socotay