Warar Goos-Goos ah oo ku Saabsan Kacdoonka Barbaarta Gadooday.

(Dhagagoo)

waxaa la sheegayaa in maleeshtu kamid ahayd waxa dhalinta qabalah dhagagoo xabadaha ku furey oo amar ka qaba madaxa maleeshta oo ah nin udhashay dhagagoo oo lagu magacaabo cilmi xasan qowrax loona yaqaano (dumar caaye)
oo ah odey weyn oo manta ahaan lahaa kuwa dhalinta dulmiga ka dulqaadi lahaa ay aabo ka dhigani lahaayeen , waxaan usheegaynaa in masuuliyadda dhallinta xaqdoonka ah wixii gaadhay uu isaga iyo ragga hogaanka sheegani iyo liyuugu ka masuul yihiin

sawiradu waa rasaastii loo adeegsaday Barbaarta nabadaysan iyo willkii dhaawucu gaadhay iyo odayga Amar bixinta lahaa

 

 

(Caydora)

Waa  Barbaarta degmada Erer
Qabalaha koobad (caydooraa )
Oo banaanbuxu ka sii daraaayo , iyo Bulshada oo aad u diidan dulmiga iyo dib ucurashada

xaqdoonka hadda uumbuu sii xoogaystay

( Biki )
Waxaa maanta si deggan kusoo dhammaaday shirkii udhexeeyay shacabka magaalada Biki ay Barbaarta xaqdoonka ah kamid tahay iyo ragga maamulka Cabdi iileey ka tirsan ee Maalmahan ba Biki kusugnaa , dood Dheer kadib waxaa si wanaagsan uu qasab kujirin la iskula gartay in dhibaatooyinka ugu xun lasoo gudbiyo ee magaalada ka jiro , dhammaan bulshaduna way gudbisay dulmiga dib ucurashada iyo wali qaarka ugusii daran ay kamid yihiin „biyo La’aan ta , iyo madax xafiiseedoo aad unaxariis daran in laga qabto ugu dambayn Naasir iyo walaalihiii Shirka hormoodka ka ahaa iyaa si cad uballanqaaday in dhibaatooyinka ay xalin doonaan kulana noqon doonaan maamulka saree Deegaanka

# in si wanaagsan la isku fahmo ballanqaad ka Bulshadana laga dhabeeyo waan Soo dhawaynaynaa lkn wixii Bulshada udaran halaga daayo baan leenahay