KACDOONKA SITTI MAAMULKU WAXYAABAHAN UU XAL MOODAY XAL MA AHA.

 

Bulsho gadooday oo dulmi diid ah oo ka kacday miidho iyo dhibaatooyin ay tabanayaan hadii aanan la dhayin boogaha xanuunaya oonan la raadin sababa dhaliyay kacdoonka xal waarana loo helin dhibaatooyinka bulshada haysta waa joogto kacdoonku.
Waana habacsanaan siyaasadeed iyo maangaabnimo in xal la moodo qaab amni oo ciidan loo diro si ay bulshada u cabudhiyaan ama xal la moodo in la laaluusho ragii dhibtaba keenay ay bulshadu diidanayd oo lagu yidhaaho damiya kacdoonka .
Waxa kaloo wax lala yaaba ah in shaqaalaha Sitti loogu goodiyo in mishaarka laga jari hadaynan ka qayb qaadan dibad baxyo indha sarcaad ah oo la isku soo jaabajaabeeyay .
Mid kale oo ka soo yeedhaysa maamulka jigjiga waa wax lagu qoslo midaa oo ah in kacdoonka Sitti laga hagayo dibadaha ama ay hurinayaan jabhado uu ciisaha Sitti garanaynba waxbana ka aqoon sida waxa loogu yeedho ONLF ina taliska jigjigna uu yaqaano Ubbo .
Waxa kaloo meesha ka baxsan in maamulka jigjiga ay ku ciyaaraan xadhiga qabyaalada ay ugu yeedhaan kacdoonka Sitti mid qabiil lagaga soo hor jeedo .

Waxaana aad iiga yaabiyay oo ayaamahan socda in laga wado gobolada kale bannaan baxyo dawladu ka danbayso oo bannaanbaxayaasha lagu amaray inay ku dhawaaqaan erayo ay kamid yihiin „Sitti waa nabad-diid“ .
Waxayna halmaameen ama iska indha tireen waxa loogu yeedho „Nabadiid , Ubbo“ iyo wixii lamida inayna ku jirinba qaamuska reer Sitti .
Dhan kale hadaan eegno Goboladan kale ee bannaanbaxa lidka ku ah sitti laga wado reer sitti waxay qabaan inay yihiin goboladii dhaqaalahooga ka dhiigaystay ee lagu horaw mariyay .

Qaababkaa oo gabi ahaantoodba la rabo in kacdoonka Sitti lagu damiyo nasiib darro waaa qaabab faydan oo aad u qadiim ah oo aanan la jaan-qaadayn xiligan la joogo .

Gunaanadkii :
Arini hor la qabtay leedahay ee daba la qabto ma lehe hadaanan xal wax ka tara cabashooyinka bulshada si dag dag ah loogu dhaqaaqin oo la sii wado qaababkaa aan kor ku xusay waxaa hubaal ah inuu xaalku cirka isku shareeri uu gaadhi doono heer aan la xakamayn karin .

W.Q: Zakaria Saad Ahmed