Jabuuti oo gurmad xagga Hawadda ah ka biloowdday dadkii ku wax yeeloobay duufaanti ku dhifatay xeebaha Guban.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland iyo Taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada Djibouti Col: Maxamad Jaamac, iyo Suldaanka Abraynka. Suldaan Ducaale, oo saaran diyaaradii kormeerka iyo Gurmadka goobaha duufaanadu ku habsadeen, ee ku Gadaaman Badda Cas/Galbeedka Somaliland.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Somaliland Ayaa Saaka u Dhoofey Magaalada Jabuuti halkasi oo uu Dawlada dalka Jabuti kagacodsaday Diyaarad Helcoptar ah oo loogu gurmado magaalada Lughaya oo Xaalkeeda iyo Dadkii kunoolaba aan laga war hayn mudo 3 Cisho ah oo halkaasi Duufaano iyo Dabeylo ba’ani garaacayeen Degmadan ayaa go’oon ah Wax Isgaadhsiin ah oo kashaqeynaysaa ilaa hadda majirto
Guud ahaan gobalada Awdal iyo Salal waxa kudhintay ugu yaraan 17 Qof halka 26 kale la laayahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen gudoomiyaha Degmada Baki ee G Awdal Mr. Caateeye ayaa Sheegay Degmadaasi inay ku dhinteen 5 Qof Xukuumada maamulka Somaliland ayaa Ku dhawaaqdey xalaad degdeg ah oo lagu badbaadinayo dadka dhibaatadu kasoo gaadhey Duufanadii kadhacay dalalka geeska Afrika.
Guud ahaan Xoolihii kunoolaa dhul xeebedka Berbera ilaa Zeylac 80% way dhinteen sida Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland uu Sheegay

L’image contient peut-être : une personne ou plus et personnes debout