Sidda Sharci daradda Ah Ee Uu Xukunka U Boobay Cabdi Iley Isagoo Kaashanaaya Ururka TPLF.

 L’image contient peut-être : une personne ou plus, personnes debout et plein air
Waa Awoodda Koobaad ee Cabdi Iley isku haleeyo.

Mudo hada sadex sanno iyo badh laga joogo, waxaa jiray dhaqdhaqaaq dimuqraadiyadeed oo ay sameeyeen xubno ka tirsan gudiga fulinta Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya (X.D.SH.S.I) tiradooduna ay ahayd 7 xubnood isla markaasna tiro ahaan ahaa aqlibiyada. Xubnahani waxa ay codsadeen in si sharciga waafaqsan la isku qiimeeyo si loo saxo wixii qaladaada ee xiligaas ka jiray deegaanka haday tahay dimuqraadiyada, horumarka, cadaalada , amniga, maamulka suuban iyo kudhaqanka sharciga.

Waxaa kale oo xooga lasaarayay sidii loo adkayn lahaa nabadgaliyada iyo horumarka guud ahaanba deegaanka iyada oo la la kaashanayo shacabka islamarkaasna la la tashanayo si loo xakameeyo kali talisnimada uu qof kali ahi maamulo xisbiga iyo dawlada deegaanka oodhan.

Hase yeeshee gudoomiyihii xisbiga ee wakhtigaa iyo kuxigeenkiisa, waa Maxamed Rahsid Isaq iyo Cabdi Mohamoud Omer (Abdi Iley) eh, ay ka dhaga adaygeen in la is hor fadhiisto oo si xeer hoosaadka iyo awaamiirta uyaala xisbiga la isku qiimeeyo islamrkaasna isbadal shacabka deegaanka dan u ah la gaadho ayaa waxaa aanu ka codsanay xisbiga talada dalka haya isla markaasna aanu bahwadaagta nahay ee EPRDF inay na dhaxdhaxaadiyaan oo ay qabtaan cida qaldan.

Kadib waxaan kulan layeelanay, waa labadii dhinac ee is hayay eh, Raysalwasaarahii hore ee dalka Ato Haylemaryam Desalign is la markaana ahaana gudoomiyihii xisbiga aan bahwadaagta nahay ee EPRDF, ayaa waxaa uu soo jeediyay laba jeer oo isku xig xigtay in wax walba lagu dhameeyo nidaamka dimuqraadiyadeed iyo sida uu qeexayo xeerhoosaadka X.D.SH.S.I.

Kadib halkay ka ahayd in si sharciga waafaqshan la isku qiimeeyo, Nasiib dara dhacday waxay ahayd in uu Cabdi Iley uu guud ahaanba diido oo uu garabmaro talooyinkii iyo jihooyinkee uu Raysalwasaare Haylemariam nasoo siiyay, waxaa uu Ina Iley ka door biday inuu islamarkiiba laxidhiidhi saxiibadiisa musuqa iyo dulsaarnimada waa ciidamada TPLF iyo EPRDF kuwooda dulsaarka iyo musuqa kucaanbaxay kana codsaday inay taageeraan isaga ilaaliyaana danahooda ayna badbaadiyaan isaga isna uu u fulindoona wixii dano gaara ee ay leeyihiin oo ah boobka xoolaha umada deegaanka. Hada ujeedada ugu way nee ay lahaayeen waxay ahayd inay kaleexdaan wadiiqada dimuqraadiyadeed kana door bidaan wado qaldan si ay u ilaashadaan danahoodda gaarka ah islamarkaasna ay u bililiqaystaan bahjadka DDSI oo macnaheedu yahay inay halkaa kasiisocdaan caadooyinkii xumaa ee shacabka lagulakici jiray sida cabudiska, xadhiga, iyo xasuuqa umada soomaaliyeed ee deegaanka.

Ugu dambayn iyaga oo kooxdii todobada ahayd ee xalaasha ahayd ay sugayaan in la fuliyo talooyinkii iyo wadiiqooyinkii Raysalwasaraha ayaa waxaa halkaas qasab iyo qoricaaradii lagaga adkaaday todobadii xubnood iyaga oo si sharcidaro ah looga saaray Gudigii fulinta waxaana halkaa ku guulaystay dimuqraadiyad diidkii oo ahaa Gudoomiyaha iyo G/kuxigeenka X.D.SH.S.I, waxaa meeshaa kadhacay waxay ahayd sharcidaro cad oo awood sheegasho ah waxayna ahayd afgambi qori caardii ah oo aanu dhiig kudaadan laakiin lagaga soo horjeeday X.D.SH.S.I iyo nidaamka dawladeed ee deegaanka iyada oo awoodii deegaanka oo dhan gacanta lagagaliyay hal qof (Ina Iley) iyada oo aanay meesha habayaraatee kajirin wax iskudheeli tirnaan ah iyo awood qaybsi toona.

Hadaba dawlada Cabdi Iley ee manta Jigjiga ka jirtaayi, maahan mid nidaam iyo sharci ku salaysan, waxaana uu sharcigii meesha ka baxay maalintii anaga oo ah 7 xubnood oo gudi fulin ah oo aqlabiyad xalaal ah haysana ay 4 xubnood yidhaah deen waxaanu idinka saarnay gudigii fulinta ee X.D.SH.S.I.

Hadaba haduu siduu doono ugu dhawaaqo in deegaanka uu kudhaqmo dastuurka ama uu deegaanku yahay deegaan si gooni ah isu maamula oo madax banan, majiraan wax laga qorayaayi, waayo xukunkiisu maba ah mid sharciga waafaqsan iyo mid udhowtoona, shacabka deegaankana waxaa dan u ah in sida ugu dhakhsaha badan looga qaado xilka Cabdi Iley.

Waxaan anagu ilaali naynay oon xurmaynaynay hogaaminta siyaasadeed ee ku dhisan talo wadaaga xor ah iyo ahmiyada ay leedahay is la halganka xisbiga gudihiisa inkastoo indhahayaga oo shan ah la aasay oo la baabi’iyay gabi ahaanba xisbigii.

Hadaan kahadalno kacdoonkii dimuqraadiyadeed ee kabilowday deegaanka 2014 kadib waxaa si sharcidaro oo bilaa sabab ah loo caydhiyay oo shaqooyinkii laga fadhiisiyay masuuliyiin, xildhibaano, garyaqaano, wasiiro, wasiirkuxigeeno, iyo shaqaale faro badan waxaana kamid ahaa; 6 masuul oo gudi fulin ah, 20 masuul oo gole dhaxe ah, wasiirka hanta dhowrka guud ee DDSI, 25 masuul oo isugu jiray kabineet iyo wasiirku xigeeno, 193 masuul oo isugu jira kuwo heer gobol iyo heer dagmo, 1258 masuul oo isugu jira agaasino iyo hogaamin sare, 804, xubnood oo ahaa sahaqaalaha maxakamadaha, in kabadan 157 xildhimaano ah iyo 2,213 shaqaale dawladeed ah.

Waxaa kale oo laxidh xidhay dad kor udhaafaya 150 xubnood, waxaa kale oo la bililiqaystay in kabadan ilaa 7 guri, waxaa kale oo la dumiyay gabi ahaanba iyada oo cagaf laga liyay 2 guri iyada oo sabab looga dhigayo inay mucaaradeen ama ay ka fikir dumawanaadeen nidaamka dulsaarka ah ee kalidii taliska ah.

 

Waxaa aan aad ula daalaa dhacaynay sidii xal loogu helilahaa dhibaatooyinka aadka u tirade badan ee haysta shacabka deegaanka haday tahay nabadgalyada, dhaqaalaha, horumarka iyo maamulka suuban. Waxaa jeelasha kabuuxa rag, dumar iyo caruur farabadan, waxaa jirta shaqo la’aan baahsan, waxaa jira dad aad u tiro badan oo laga soo caydhiyay ama kasoo cararay guryahoodii cabsi sharci la’aan darteed.

Dadkaasi waxaa lagu bar tilmaameed saday kaliya waxaad taageerteen nimankii isu taagay dimuqraadiyada isla markaasna ku salaysnaa kala duwanaanshaha fikirada shacabka ee salka u ahaa xeer hoosaadka xisbiga. Anagu waxaan u istaagnay inaan xushmayno nidaamka iyo xeerarka xisbiga uyaala, waxaanan codsanay in la dhowro xuquuqda dastuur ee ay shacabku xaqa uleeyihiin.

Inkastoo aanu soo gudbin jirnay dhibaatooyinka iyo cabashooyinka ay qabaan shacabka aan waxba galabsan ee ku dhaqan deegaanka mudo 4 sano ah, nasiib daraduse waxa weeye cid kastoo ay khusaysaayi way ka indho tireen dhibaatooyinla haysta shacabka deegaanka. Arinkaasina mudada soo taxnaayi waxaa uu abuuray in dad aad u badan oo marba marka kadambaysa soo kordhaya ay ka rajo dhigaan inay leeyihiin wax xuquuq dastuuri ah, iyaga oo aaminay inaanayba jirin cid dan kaleh xuquuq dooda bini aadanimo iyo tan dastuurba.

Waxaa ay arintani walwal ku haysaa sidii ay muwaadiniinta firxad ka ah deegaankooda ay ugu noolaan lahaayeen si nabadgaliyo ah iyaga oon ka cabsiqabin in la ladilo, la xidho, ama la handado. Waxaa kale oo shacabka deegaanka ee baxsadka ah walwal ku haya, ilaa iyo goorma ayay socondoontaa dhibaatadan iyo cadaawadani, iyo sababta kalif tay faro galin la’aantan dhinaca xuquuqda binaadminimada iyo tan dastuuriga ah ba ee ay xaqa uleeyihiin shacabka deegaanku. Waxaa kale oo iyana iska cad oo uu qof waliba oo ay khusayso dheehan karaa waxa kadhacaya deegaanka Soomaalida, inaanay kaliya ahayn xad gudub dhanka xuquuqda dastuuriga ah ee ay sidoo kale tahay xadgudub dhanka aas aaska xuquuqul insaanka ah.

Sikastaba ha ahaatee, wali albaabku waa u furanyahay fursad cadaalada lagu soo celinkaro, Raysalwasaare Abiy Ahmed iyo xisbiga talada haya ee EPRDF waxaa wali u banaan fursad ay ku joojin karaan gabi ahaanba, waalidan, cabudhiskan, dilkan, xadhigan iyo rafaadkan baahsan ee haysta shacabka deegaanka guud ahaan

FG: Maqaalkan waxaa qoray xubin horey uga tirsaanaa garabkii G7 ee ahaa aqlabiyadii gudiga fulinta ee X.D.SH.S.I ee wakhtigaasi loolan siyaasadeed oo qadhaadh kula jiray Cabdi Maxamuud Cumer (Cabdi Iley). Fikirka halakan lagu cabirey waa ku u gaar ah shaqsi qorey mana ah mid ka turjumaya aragti (jigjigaherald.com.)