Hogaamiye wanaagsan!

 

Halganka nabadysan ee ay wadaan barbaarta sitti ee dulmi diidka ah waa mid ka dhashay xaqdarada tacadiga iyo gumaysiga lagu hayo dhamaan soomaalida ku nool dawlad deegaanka somalida Ethiopia, hormoodkana ka yahay kaligii taliye Cabdi ilay.Barbaarta sitti waxay u dulqaadan waayeen gumaysiga lagu hayoo dakooda, waxay hormood ka noqdeen kacdoon nabadaysan oo ay ku yidhaahdeen daalimiintaa DDSI waxaan nahay dulmi diid iyo dibu curasho diid, maantana waxaad ogtihiin in halganku gaadhay dhamaan dawlad deegaanka somalida Ethiopia oo dhamaantood noqday dulmi diid.
Hadaba si uu halganku u midha dhaliyo, waan in la helaa:
1- Hogaan wanaagsan
2- In halganka loo huro wax walba oo qaali ah, wax aan loo dhiman ama loo dhibaatoona si dhib yar laguma gaadho.
3- Sabr iyo duqaad, in dhibta loo sabro dadkana loo dulqaato.

Hadaba waa kuma hogaamiye wanaagsan?
Hogaamiye wanaagsan waa waa ka ku sifooba arimahan soo socda:
1- Daacadnimo: waa in uu ahaado of looga baratay danta guud. Haduu hogaamiyuhu daacad ahayn dadaalku meel qaldan ayuu ku dhici doona.
2- Kalsooni: Waa in uu ahaado qof isku kalsoon, qaraarada uu qaadanayana si kalsooni ah u qaato.
3- Qof dadka soo jiita waa in u ahaadaa oo dhiirigaliya dadka kale.
4- Qof ballan leh waa in uu ahaado oo wixii uu ballan qaado fuliya.sidoo kale waa in uu ahaado qof dabacsan oo dadka u dabacsan oo qalbi wanaagsan.
5- Waa in uu ahaado xidhiidhiye wanaagsan oo khibrad badan u leh xidhiidhinta dadka.
6- Go’aan qaadasho waa in uu lahaado oo go’aanka si dhiiran u qaadan karo.
7- Waa in uu ahado qof lagu xisaabtami karo oo howsha loo igmaday lagu aamini karo.
8- Waa in uu noqdaa qof awodda qaybiya oo aan ahayn kaligii taliye wax walba isaga soo maraan.
9- Waa in damqasho iyo naxariis dadkiisa u leeyahay fahmi karo dhibaatooyinkooda, dareemi karana xanuunkooda.

Gabagadii
Si aad u noqoto hogaamiye wanaagsan waa in aad leedahay ugu yaraan sifooyinkaa aan soo sheegnay, hadii kale wax tarkaagu wuxuu noqonayaa mid aan meeshii loogu talagalay aan gaadhin.

Salah Migil