SAWIRRO & VIDEO: Nin fal la yaab leh ka sameeyay Magaalada Maka Al-mukarama.

Nin u dhashay dalka Pakistan ayaa fal la yaab leh ka geystay mid ka mida wadooyinka  waawayn ee magaalada barakeysan ee Maka Almukarama ayaa la qabtay markii si awood ah ay ciidamada magaalada u farageliyeen.

Ninkan ayaa soo qaatay Cagaf weyn isagoo ku qaad-qaaday baabuur wadadda taalay iyo wixii ka hor yimid oo dhan, waxaana uu burburiyey in ka badan 23 Gaadhi ka hor intii aan si awood ah Cagafta loogu dhex gelin oo la xidhin.

Booliska magaalada Maka ayaa sheegay inuu ninka u dhashay dalka Pakistan uu soo xaday Cagafta, isla markaana uu si waali ah u jiidhsiiyey baabuur, Guri iyo Baalleyaasha wadooyinka, waxaana loo diyaarinayaa in maxkamad lasoo taago.