Kacdoonaddii Barbaarta ee Cabdi Iley Lagaga Soo Horjeeday oo Kusii Xoogaystay Gobolka Sitti(Sawirro)

Wararka naga soo gaadhaya gudaha degaanka Soomaalidda Itoobiya  gaar ahaana gobolka Sitti ayaa waxay sheegayaan in hada kacdoon balaadhan uu ka socdo duleed magaalooyinka Ayshica iyo Shiniile ee gobolka Sitti gaar ahaan tuulada Biyo Qabobe.

Mudaaharaadkan ayaa waxaa soo abaabulay ururka dhalinyarada  gobolka Sitti ee bar baarta waxayna kaga soo horjeedaan maamulka Cabdi Iley  iyo kooxda dabadhilifka u ah ee uu ku adeegto mudaaharaadkan ayaa wuxuu qayb ka yahay kacdoonada ka socda gudaha Soomaali Galbeed ee lagaga soo horjeedo taliska Cabdi Iley

Wararka ayaa waxay intaas ka darayaan in kacdoonku dhamaan gobolka Sitti ku fidi doono maalmaaha Ciida El Fitr ka dib uu wali ka socdo tuulada isla markaana aysan jirin dooniin wax isu socod ah oo ka socda tuuladaas dhex deeda.

Dhalinta Barbaarta ah ee kacdoonka dhigaayay ayaa waxay ku qaylinayeen erayo lidi ku ah maamulka maqaar saarka ee Cabdi Iley waxayna ku dhawaaqayaan ;Cabdi Iley Down, Dib ucurasho down iyo wax la mid ah.

L’image contient peut-être : feu

L’image contient peut-être : 1 personne, feu et nuit