Kooxda TPLF oo Shir Isugu Timid & Mustaqbal Kooda oo Mugdi Sii galaya.

 

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in shir deg deg ah uu halkaas uga furmay kooxda jiha wareersan ee TPLF, taas oo la rumaysan yahay in ay saxadda siyaasadda kasii baxayso

Sida xogta aan kuhelayno kulan deg deg ah ayaa gudiga fulinta ee kooxda TPLF uga furmay magaalada Maqale, kaas oo sidda la sheegayo lagaga hadli doono arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin mustaqbalka kooxda TPLF oo mugdi sii galaya iyo arimaha kusoo cusboonaaday Gobolka Tigrey ee dhaca woqooyiga wadanka Itoobiya.

Siyaasiyiinta u dhalatay qoomiyada Tigreega iyo guud ahaan dadka Tigreega ah ayaa la sheegayaa in ay aad uga walwalsan yihiin mustaqbalkooda kadib kacdoomadii shacabka Itoobiya oo sababay in qoomiyada laga tikhaantikhiyo taladii wadanka ee ay mudada dheer soo haysay.

Walwalka qoomiyada Tigreega ayaa sare usii kacay kadib markii Raysal-wasaaraha Itoobiya oo taageero ka haysta gudiga fulinta ee EPRDF uu ku dhawaaqay in magaalada Badame iyo dhulkii ay dagaaladu kadhaceen lagu wareejin doono wadankii lahaa ee Eritrea, kaas oo laga qabsaday sanadkii 1998-99.

Dhinaca kale waxaa is casilaadiisii soo gudbiyay mid kamid ah dadkii ugu awooda badnaa maamulkii wayaanaha ee talada wadanka laga faro maroojiyay isla markaana ahaa shakhsigii ugu xil cuslaa qoomiyada Tigreega, kaas oo ahaa gudoomiyihii shirkada dayuuradaha ee Itoobiya Tawalde.

Tawalde ayaa sida lasheegayo waraaqdiisii iscasilaada ugudbiyay gudiga loo xilsaaray arimahaas, kadib markuu ogaaday in baadhitaan xoogan lagu wado xilkaqaadis iyo xadhigna la isugu dari doono, waxayna gudigu Tawalde usheegeen in xilka uusan katagi karin ilaa iyo inta baadhitaanka ladhamaynayo.

Isku soo wada duub oo kooxdii la odhan jiray TPLF ee qoomiyada Tigreega unasab sheegan jirtay ayaa umuuqata mid si fudud taladii wadanka looga sii tikhaan tikhinayo kadib markii xilalkoodii laga xayuubiyay Janaaaalo iyo shakhsiyaad kale oo wadanka sumcad kulahaan jiray oo Tigree ah.

L’image contient peut-être : 1 personne, debout
L’image contient peut-être : 1 personne, sourit, costume
Qore:Ali Sigad